Ciidamada Booliska Ee Scotland Oo Xabsiga Dhigay Digaagad + Maxaa Loo Xidhay?

0
18

Dalka Scotland waxa ka dhacday arrin aad u xiiso badan ka dib markii ay xabsi la dhigay digaagad hor martay wado loogu talo galay gaadiidka oo uu xiligaasi ku soo beegnaa bas kuwa rakaabka qaada ahi.

Jidkan oo ku yaala Galbeedka Suuqa magaaladda Dundee ayaa waxa ay saaraakiisha booliska oo xabsiga dhigay digaagadaasi ay sheegeen in ay khatar gelisay baska iyo nafteedaba, sidaas darteedna uu ku waajibay in xabsiga la dhigo.

Markii ay dhacdadani ay dhacday ayaa waxa ciidamada booliska la soo xidhiidhay ururka daryeelka xayawaanaadka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loogu yeedho  SSPCA, kuwaas oo ka dalbaday in daryeelaan digaagadaasi, si ay ula xaalaan cidii iska lahayd ee u ogolaatay in ay wadada soo marto.

Barta ay ciidamada boolisak ee dalka Scotland ku leeyihiiin facbook oo qoraal kooban la soo dhigay waxa lagu yidhi “Waxa nala soo xidhiidhay ururka daryeelka ee xayawaanaadka Scotland oo naga dalbaday in aanu daryeelno digaagadaasi inta ay xabsiga ku jirto, si qofkii iska lahaa hadhaw loo waydiiy sababta uu ugu soo daayay digaagadiisa suuqa” ayaa lagu yidhi warkaasi kooban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here