Doorashooyinka Dalka Koongo Oo Dib Loo Dhigay

0
18

Congo (Saxilnews):-   Isbahaysiga talada haya iyo qaar ka mid ah axsaabta mucaaradka ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, ayaa ku heshiiyay in doorashooyinka dalkaasi dib loo dhigo ilaa bisha Abriil 2018.

Doorashooyinka ayaa lagu waday in ay dhacaan bisha soo socota.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ayaan ka qeyb qaadan wadaxaajoodka laga galay dib u dhigga doorashooyinkaasi.

Xisbigaasi ayaa ku baaqay in taageerayaasha ay dibed baxyo sameeyaan Arbacada beri ah.

Tobannaan qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay dib u dhac ku yimid doorashooyinka dalkaasi, waxaana mucaaradku ay ku doodayaan in madaxweyne Joseph Kabila uu doonayo in uu xilka sii hayo.

Midowga Yurub ayaa ku hanjabay in uu cunaqabateyn saari doono Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, haddii ay dib u dhacaan doorashooyinka dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here