Madaxwaynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminaayey Oo Dalka Ku Soo Laabtey Maanta Iyo Dareenada Ku Xeeran In Uu Soo Gaabiyo Safarkiisa.

0
17

Hargeysa (Saxilnews):–Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa maanta ku soo laabtay dalka ka dib safar mudo sadex todobaad qaatay oo ay ugu maqnaayeen dalalka Ingiriiska iyo Imaaraatka Carabta.

Soo laabashada Waftiga madaxwaynaha ayaa waxa lala xidhiidhinayaa xaalado dhinaca siyaasada ah oo dalka ku soo cusboonaaday intii ay ka maqnaayeen oo ay ugu horeyso Siyaasiyiin Miisaan ku leh saaxada siyaasada Somaliland kuwaasi oo ku biirey xisbiga ay sida wayn u xafiltamaan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Dhanka kale waxa xusid mudan mudadii uu dalka Uk joogay Madaxwayne Siilaanyo in aanu la kulmin Madaxda Dalkaasi inkasta oo uu wasiirkiisa arimaha dibada Somaliland shaaciyey in uu u tagay dalkaasi Nasasho iyo la kulanka bulshada Reer Somaliland ee halkaasi ku sugan.

Guud ahaana waxa si wayn looga dareemayaa gudaha Caasimada dhaq dhaqaaqyada kala duwan ee lagu soo dhawaynaayo waftiga Madaxwayne Siilaanyo uu hor ka caayo.iyada oo la filaayo in ay qaadaan talaabooyin dhanka siyaasada ah oo ay kaga jawaabayaan isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Hangoolnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here