Cadaaladii Maxkamada iyo Xaqdaradii Xeer-ilaalinta, Labo Kala Fog Weeyi….! “Malafsade ha dhaco; Xalaal-maal ha jiro; Dadku waa masee; Ha mudh-baxo cadligu”

0
19

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr oo Muddo laba bilood ku dhaw u xidhnaa eedayn ay soo oogtay Xafiiska Xeer ilaalintu, Abwaan Siciid oo lagu soo eedayay laba dacwadood oo kala ah kicin dadweyne iyo faafin warar been abuur ah oo ka dhan ah amaanka Madaarka Hargaysa ayaa gabi ahaanba lagu waayay. Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa saaka soo gabo gabaysay Xukunka Dacwada u dhaxaysay Macalin/Abwaan Siciid iyo Maamulaha Madaarka Hargeysa. Garsoorahii Maxkamada Gobolka ayaa ku dhawaaqay Xukunka wuxuuna yidhi “Qodobka 321aad ee kicinta dadweynaha waa lagu waayay Siciid. Qodabka 328aad ee baahinta wararka been-abuurka ahina wuu jabay, kaddib markii ay xeer-ilaalintu marag u keeni wayday. Sidaas awgeed waxay maxkamaddu go’aamisay in Siciid Maxamuud Gahayr xorriyaddiisa loo celiyo oo katiinadda laga furo”.

Maxkamadu waxay xukun kusoo saartay inay diiday dhamaan eedaymihii lagu soo eedeeyay Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr ka dib markii xeer ilaalintu keeni kari wayday cadaymo ku filan oo loo cuskado qodobada sharci ee dacwad Ciqaabeedka, taas badalkeeda Maxkamadu waxay aqbashay dooda qareenada difaaca oo Maxkamada ka hor cadeeyay in aan qodobada sharci ee lagu eedeeyay aanay waafaqsanay nuxurka dacwada, sidoo kale waxay qareenadu soo bandhigeen qodobo sharci ah oo dastuurka qaran iyo xeerka ciqaabta Guud kuwaas oo dhamaantooda ka hadlaya xaqa muwaadinku leeyahay iyo hab adeegsiga dacwada ciqaabta ah. Xukunka Maxkamada ka soo baxay ayaa noqday mid cadaalada u hiiliyay uu xoriyadiisa uu ku helo Abwaan Siciid.

Nasiib daro, Kadib markii Garsoorihii Maxkamadu ku dhawaaqay sii dayntiisa, Xeer-ilaaliyaha ayaa yidhi Ambiil ayaan maxkamadda rafcaanka u qaatay, halka uu Garsoorihiina yidhi waa in la sii daayo inta Maxkamadda Rafcaanku waaran qabasho ah u jarayso. Xukunkii Maxkamada lama aqlin ee C I D iyo boolis ayaa xoog iyo katiinad ku kexeeyay Siciid. Hoolkii Xukunku ka dhacay hortiisa ayay askartu ka qabatay iyada oo aan Waraan sharci ah oo Maxkamada racfaanka ah wali qaadan, Dulmigii, Xaqdaradii iyo Sharci jabintii hadda laga xukumay oo ay isla daqiiqadiiba ay dib u galeen Maxkamada horteeda. Waxaan saaka soo arkay Garsoore Caadil ah iyo Xeer-Ilaalin Xaqdaro iyo Dulmi dadka ku xidhaysa. Halkan waxa ka cadaatay xaqdarada baahsan ee Xukuumada Kulmiye ku hayso shacabkeeda, xataa hadii ay Maxkamadi xukunto laysu joojin maayo, Xadhigu waa halkiisii. Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr wuxuu hada ku xidhan yahay Xarunta C.I.D Waaran La,aan, iyadoo Maxkamadii ay sheegtay inaan wax danbi ah oo loo haystaa aanu jirin xoriyadiisana loo celiyo.

Cadaalada u hiili

By. Mohamed Gacayte

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here