Maayar Solteco&Mayor Ciddinayaa qirtay inay ololoha doorashadaCol.uuseBiixiku taageereen lacag dhan$ 50,000 ,Solteco $ 30,000, Ciddin
Mayor Solteco&Mayor Ciddinayaa qirtay inay ololoha doorashadaCol. MuuseBiixiku taageereen lacag dhan$ 50,000 ,Solteco $ 30,000, Ciddin $ 20,000. Waxa labadaas nin kasii liita ninkaaqablaysBooligaaee jeebka ku shubtay.Waa caadadii ee ceebtii maaha. Hore ayuu u boobay dhul & beero ay dad jelecsani leeyaheen. Quruumaha ilbaxa ” civilised societies” waa ka mamnuuc ah inuu Masoo’l xil qaran haya bixiyo deeq lacagaeed “political contribution” ka badan $ 30 Sodoon dollar, waana inuu ku muujiya xiraynta dakhliga “Income tax” si loo ogaado halka ay lacagtu kasoo gashay. Waxa intaaba kasii diiran, kamuu hadal Eng Mohamed Xaashi Cilmioo had iyo jeermusuq-maasuq & tuugoku eedeeya dadka xilalka haya ee ka baxsan xayndaabka xaafadeesa sidaMadaxwayne Siilaanyo,Madaxwayne Riyaale,Amb Cawiliyo qaar kale oo badan. Hadaba, danyarta Somaliland waxay maanta arkaan in ninka ka xishoon waayay$ 50,000 oo laga soo xaday qasnadaha Dawladdaha Hoose, in haddii uu Madaxwayne noqdo, xalaashan doono hantida ummadda ee ku dhacda qasnadda Dawlada dhexe ” Central Government” . AHN, wuxuu yidhi Xaaji Adan Afqalooc :
“Tallaabada mid Gaalkii shabbaha tegey malliibaane,
Adiga oo waxuun tabanayoo tegey halkuu joogo,
Markuu sida libaax raqi u taal qoorta kor u taago,
Oo uu Tayga luquntiisa sudhan taabto faraqiisa,
Oo inaad Addoonkiisa tahay taasna la ahaatay,
Oo aan dadkana wax u tarayn callanna tageerin,
Oo inuu adduun badan tabcado taa qudha u jeeda,
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye,
Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego.
Qalinka Drs Hoodo Yusuf, London, UK.