Nigerian ka dambeeyay kumaan khayaano oo lagu sameeyay Online-ka oo adduunka oo dhan ka dhacay ayaa lagu xiray magaalada shidaalka leh ee Port Harcourt oo dhanka koonfureed ku taalla sida uu sheegay booliiska caalamiga ah ee Interpol.
Ninkaas oo afartan jir ah loona yaqaanno “Mike” oo kali ah ayaa lagu eedeeyay in uu hogaamiyo afartan ruux oo masuul ka ah khayaano internet oo lagu qiyaasay 60 milyan oo doolarka Maraykanka ah.
Hawlgaladiisa wuxuu u adeegsadaa waxyaabo lagula wareegayo hababka ay combiyuutaradu u shaqeeyaan iyada oo la isticmaalayo in Emailada loo dhaco ama la isu diro muuqaallo ama sawiro cawro ah.
Waaxda ka hortagga wax isdabomarinta ee dalka Nigeria ayaa ku luglahayd xiritaankaas.
Interpol ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay ku sheegtay in hal dhacdo oo kali ah qof laga khiyaanay 15.4 milyan oo doolar.
“Mike” waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu leeyahay shabakad lacagaha lagu qarSado oo ka hawlgasha Shiinaha, Yurub iyo Maraykanka.
“shabakadaas waxay bartilmaameedsatay email-lada shirkadaha dhexdhexaadka ah ee adduunka oo dhan kuwaas oo ay ku jiraan kuwo ku yaala Canada, Hindiya, Malaysia, Romania, Koonfur Afrika, Thailand iyo Maraykanka, sida warbixintaas lagu sheegay.
Qofkaas laga shakisan yahay iyo caawiyeyaayiisa oo lagu wada xiray magaalada waxay wajahayaan dacwado ay ka mid yihiin khayaano iyo in ay si been ah lacag ku heleen.
Hadda xabsi kuma jiraan oo lacag damaanad ah ayaa lagu sii daayay inta baaritaannada la wado sida qoraalkaas lagu sheegay.