Hargeysa (Ilays-News):- Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Ciro ayaa waxaa uu habeenkii xalay ahaa ka qeyb galay munaasibad casho sharaf ah oo loo sameeyey dadkii ajaanibka ahaa ee ka soo qeyb galay bandhigii Carwada buugagata ee Hargeysa .
Munaasibadan oo ka dhacdey xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad badan oo Ajaanib ah isla markaana Hargeysa u yimid sidii carwadaasi uga qeyb gal lahayeen , dhalinyaro , Haween , siyaasiyiinn , wasiiro iyo marti sharaf Kale .
Ugu horeyn waxaa madashaasi ka hadley wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani waxaana uu sheegay in masuulyiinta xarunta dhaqanka ee Hargeysa uu uga mahad celinaayo maamuuskan ay u sameyeen dadkii ajanibka ahaa ee ka soo qeyb galay bandhiga buugagata ee Hargeysa .
Sidoo kale waxaa munaasibadan ka hadley Abwaano , Qoraayo iyo dad Ajaanib ah waxaana ay dhamaantood ka hadleen ahmiyada ay leedahay ku dhaqanka iyo soo nooleynta hidaha iyo dhaqanka ay qoomiyadi leedahay .
Gabo gabadii waxaa madaashii ka hadley hadlo kooban uu ugu mahad naqaayo cid kasta oo maalgalisay xarunta dhaqanka ee Hargeysa halkaasi ka jeediyey Gudoomiye Ciro waxaana uu yidhi
“Umad hadi uu hidahoodu uu lumo iyaguna waa ay baaba,aan shacbiga rer Somaliland waa dad ku faana dhaqankooda , hidahooda iyo afkooda xaruntana waxaa ay soo nooleynasaa hidaha iyo dhaqanka Somalida .
Waxaana aanu u mahad naqeynaa cid kasta oo halkan maal galisay xaruntan , waxaaan is leeyahay oo kale carwad sagaal jirsatey ee bandhiga Buugagata wax weyn bay arimaha aanu ka hadleyno ay ku soo kordhisay ” ayuu yidhi gudoomiye Ciro