Adis ababa(Saxilnews.com)-DAAWO Sawirada Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Hada Si Nabad Ah Uga Soo Degay Magaalada Addi-Ababa kadib Markii uu dib uga soo duuley DALKA inqilaabku Ka dhacey ee Turkiga. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay wehelinaayaan qoyskiisa iyo xoghayihiisa gaarka ahi ayaa dalka turkiga utagay xaalad Caafimaad oo aan ilaa hada la ogayn sida ay wax ugu soo qabsoomeen Ayaa Saaka Ka Soo Ambabaxay Dalka Turkiga Kadib Markii xalay Inqilaab Fashilmay Ka Dhacay dalkaasi xaaladiisuna ay qasantay
Madaxda Safaarada Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Madaxweynaha Ku Soo Dhaweeyay Gagida Diyaaraha Ee Addis Ababa Iyo Xubno Ka Socda Dowlada Itoobiya lama oga in Madaxweyne Siilanyo dalka kusoo laaban doono iyo inuu dalka Ingiriiska u amba bixi doono maadama oo aanu usoo dhamaanin socdaalkiisii Caafimaad ee uu dalka turkiga utagay inqilaab milatarina ku qabsaday
Xigasho Jamhuuriya.Net |