Berbera (Saxil News.com)-
Shir balaadhan oo maanta ay taariikhdu tahay 3/3/2015-ka ay iskugu yimaadeen ururka isbahaysiga dhalinyarada gobolka saaxil ee marka magacooda la soo gaabiyo,la yidhaahdo SYA,waxay si adag u canbaareeyeen qorshaha ay xukuumada Siilaanyo ku doonayso inay ku iibiso dekeda berbera,oo ah ayey yidhaahdeen meesha ugu muhiimsan ee bulshada ku dhaqan gobolka SAAXIL,ay u shaqo tagaan,oo hadii la iibiyo waxa bilaa camal noqonaya kumanaan reer SAAXIL ah,waxayna ku taliyeen in haba yaraatee aan la soo hadal qaadin iibinta dekeda,oo waxay wacad ku mareen hadii la iibiyo in wixii ka dhaca ay masuul ka noqonayso xukuumada sadexda bilood u hadhsan tahay ee siilaanyo.
Gabagabadii waxay soo jeedinaayan dhalinyarada reer SAAXIL,inay guud ahaanba waxgaradka,aqoon yahanka,dhalinyarada,odayaasha,siyaasiyiinta,haweenka iyo bulshada reer SAAXIL,waa inay ka foojignaadaan shirqoolada beelaysan ee xukuumada uu siilaanyo hogaaminayo ay la damacsan tahay,gobolka SAAXIL,iyadoo adeegsanaysa awooda dawladnimo.
Afhayeenka Ururka.
Adan C/salaam C/laahi
Email:syaberbera@gmail.com
Berbera/Somaliland