Wa qaybtii labaad ee maqaalkii aankaga hadlayey. Isku shandhayntii madaxweyne Siilaanyo oo runtii u muuqatay midaan waxba soo kordhin. Isku shandhayntan fashilantay waxa lahadal hayay mudo dheer oo ku simaan ugu yaraan afartii bilood ee lasoo dhaafay waxana lasaadaalinayay inay sidan hada udhacday ka saamayn badanto. Isku shaandhaynta waxa ku jiray in la eryo Cabdi Awdaahir oo ka mid ahaa tiirarkii kulmiye ayaa ladoonayay in la eryo lakiin nasiib daro waxa u cuntami wayday madaxtooyada groupka waxna badala waxna soo kordhiya inay eryaan masuul hawl qaran dibada ugu maqan oo waliba kujira wadahadalkii dhexmarayey Somaliland iyo Somalia. Socdaalkaasina waa sababta kaliya ee Ina Awdaahir kaga badbaaday in la eryo sidaa darteed waxa laga dhigay wasiirka arimaha bulshada oo laga qaaday oday Garaad oo hada xanuunsanaya sidaan qaybtii hore ee maqaalka ku sheegay.Hadaba su,aashaydu wa Cabdi Awdaahir ma aqbali doona cadka quudhsiga ah ee lasiiyey mise sida wasiir Samaale ayuu odhan doona afkaan doog ku daaqay caws ku mayrici maayo hadaba sida ila hada ay sheegayan dad u dhuun daloola Cabdi Awdaahir waxa lagula taliyey inuu is casilo lakiin waxa uu go,aan ku gaadho waa loo joogi ishallah.
Xukuumadu waxay xilkii ka qaaday Admiral Ahmed Osman oo ahaa nin aad shaqadiisa ugu fiican isla markaana ah (civil servant) aan siyaasad iyo galin waxaan shaqadiisa ahayn kana mid ahaa dadka hawlkarka ee tirada yar ee ku jiray xukuumada Siilaanyo isla markaan khibrad qoto dheer ulaha ciidamada badda. Sababaha loo aanaynayo xilka qaadistiisana waxay sheegeen casaabadu inuu yahay nin aan tolkii wadanin waana sabab lamida sidii lagu eryay wasiir Dr Xusen Xoog oo isku reer Salaxlay ahaayeen isna layidhi reerkiina mawadatid isaguna sheegay markii la aryey in waajibaadka wasaaradaha qaranka lagu daro arimaha qabiilka oo loo sheego masuulka xilka haya dowlada inuu reerkooda ka wada dhigo muxaafid hadii kale shaqad uu waayi doono si uu isku ilaaliyo.
Wasiirkii hore ee caafimaadka waxa lagu badalay wasiirka hada talada hayaa Xaglo toosiye halka Admiral Ahmed Cisman lagu badalay Xiirane oo aan aqoon u lahayn badaha lakiin aha nin ciidana isla markaana ay isku reer Buuhoodle yihiin Xaglo toosiye. Hadaba wa su.aale xukuumada Siilaanyo ma waxay saami qaybsiga beelaha darafyada Somaliland ka bixisaa inta ay qaybta quudhsiga ah u heleen beesha Salaxlay oo ka mid ah beelaha ugu saamiga yar marka la eego beelaha dhexe ee isku koobay Xukuumadii iyo saamigii la rabay inay ka muuqdan Somaliland oo dhani.
Wasiir Samaale oo sida uu kasheegay saxaafada diiday inuu xilka wasaaradda waxbarashada qabto isla markaana dhayda ka cadeeyay hadii aan khasnada loo dhiibayn inaanu rabin wax kale. arintan isku shaandhaynta Siilaanyo oo dab hor leh ku shiday waqti mar xalad adag ay maraysay xukuumadiisa maadaama ay ku guul daraystay inay wadanka ka qabato doorasho xor ah oo xalaala isla markaana dhacda waqtigii loo asteeyey oo imika mudada yar ee ka hadhsan ay iska caddahay inan doorasho lagu qaban karin.
lasoco qaybta sadexaad ishallah……
Allaah mahad leh
Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka)