Saxilnews.com
DAAWO GUDOOMIYE CIRRO OO MANTA WARBAAHINTA LA HADLAY “DALKA WAXA HAYSTA DHIBAATO DHAQAALE IYO MID SIYAASADEED”
July 20, 2018 - Written by editor

Hargeysa, (saxilnews)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo shir jaraa’id ku qabtay maanta hoyga uu ka deggan yahay magaalada Hargeysa waxa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay shirkii Brussels ee dalka Bilgumka ka dhacay, xaaladda Ceel Afweyn, Ergo dhawaan tagtey magaalada Garoowe, dagaalka Tuke-raq.

Ugu horeyn Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay  in xisbiga Kulmiye ku fashilmay talada dalka isagoo sidoo kalena ka digay dib  u dhac ku yimaada doorashada , waxaana uu wax aan la aqbali karin ku sifeeyey inay shaqadii sii wataan Kominshanka Doorashooyinka oo uu xisbigiisu kalsoonidii kala noqdey 22 March ee sannadkan.

COMMENTS
Latest News