Saxilnews.com
MOQDISHO : DAAWO SAWIRADA MASHQUULKA GAROONKA DIYAARAHA EE AADAN CADDE INTERNATIONAL AIRPORT
August 31, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Moqdisho (Saxilnews):-  Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid noqonaya garoomada diyaaradaha ugu mashquulka badan Geeska Afrika, iyadoo uu ka soo kabanayo bur burkii.

g1

Garoonka diyaaradaha ayaa ka mid ahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur buray dagaaladii sokeeye, garoonka ayaa xirnaa muddo 17-sano ah, iyadoo dib loo furay sanadkii 2006-dii markii Midowgii maxkamadaha islaamka ay la wareegeen Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, xilligaasoo ay ka saareen Hoggaamiye kooxeedyadii.

g2

Dad badan ayaa aaminsan in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu sameynayo horumar ballaaran oo la mid ah garoomada caalamiga ah, iyadoo sanadkii hore la dhisay Terminal cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka diyaaradaha.

g3

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maalintii waxaa ka soo dega illaa 40 diyaaradoo oo isugu jira duulimaadyo gudaha dalka iyo kuwa caalamka.g4g5

 

COMMENTS
Latest News