Saxilnews.com
DEG DEG :- WAFTI ISKU JIRA WASIIRRO , XILDHIBAANNO IYO MADAX-DHAQAMEED REER KHAATUMO AH OO SOO GAADHEY MAGAALADA CAYNABA + LIISAKA MAGACYADA
August 4, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Caynaba (SaxilNews):-  Waxa gallinkii danbe ee Maanta soo gaadhay Magaaladda Caynaba ee Xarrunta Gobolka SARAAR wafdi iskugu jira;Wasiirro,Xildhibaanno iyo Madax-dhaqameed matalaya Maamulka Khaatumo ee uu hogaamiyo Siyaasigga Cali Khaliif Galaydh.

Wafdigga,ayaa waxa hogaaminaya labbo wasiir, labbo Xildhibaan oo ka tirsan maamulka Khaatumo,  Jiif caaqil iyo Mid ka mid ah Odayaasha reer Buuhoodle.

Liiska Magacyadda iyo Xilalkoodda,ayaa waxa yihiin sida tan

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Khaatumo,Kayse Cabdi Yuusuf,  horena u ahaa wasiir-dawlihii nabadaynta Goboladda Berri ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

1. Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Khaatumo,Mr.Shabac

2. Xildhibaan Yaasiin Axmed Sulub

3. Xildhibaan BAAYAR

4. Jiif Caaqil Axmed Cumar Caydh-boob

5. Oday Xariir oo ka tirsan odayaasha reer Buuhoodle.

Xogaha kale aannu helayno,ayaa sheegaya in caawa Magaaladda Hargaysa ay ka bixi doonaan xubno iskugu jira Xukuumadda iyo hoggaanka Xisbigga KULMIYE,kuwaas oo wada-hadal wafdigaas reer Khaatumo kula yeelanaya Magaaladda Caynaba.

Wixi Warar Ah Ee Ku Soo Kordha Kala Soco Halkan

COMMENTS
Latest News