Saddex bilood kahor xisbiga talada dalka Itoobiya haya ayaa soo magacaabay raisul wasaare cusub, kadib iscasilaaddii kadiska ahayd ee hoggaamiyihii hore.
Arrintaan ayaa timid kadib dibadbaxyo ballaaran oo sanado badan socday oo gilgilay guud ahaan dalka ayadoo dawladda lagu eedaynayey musuqmaasuq iyo xad gudubyo kadhan ah xuquuqda aadanaha.
Dawladda ayaa arrintan kaga falcelisay in ay xirxirto kumanaan mucaarad ah ayadoo soo rogtay xaalad dagdag ah.
Hadda, Abiy Ahmed oo 41 jir ah ayaa la yimid isbaddallo loo arko in dalku uu iska baddalayo siduu ahaa waayadii hore.
Waxa uu siidaayey boqolaal maxaabiis siyaasadeed ah, wuxuuna qaaday xaaladdii dagdagga ahayd ee dalka saarnayd.
Maamulkiisa ayaa sidoo kale ballan qaaday xorriyadda hadalka ayadoo xayiraaddii laga qaaday boqolaal bogagga wax lagu qoro ee internet-ka.
Balse arrinta ugu muhiimsan ee uu ku dhawaaqay ayaa ah in uu shuruud la’aan aqoonsaday uuna hilgalinayo heshiiskii nabadda ee dalka dariska ah ee Eritrea kaas oo la saxiixay sanadkii 2000.
Sanadkii 1998 ilaa 2000 labada dal waxaa dhex maray dagaal ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 80’000 oo qof.
Heshiiskii nabadda ee Qaramada midoobay ay garwadeenka ka ahayd ayaa Eritrea lagu siiyey magaalada Badme. Maamulkii hore ee Itoobiya ma aanu hirgalin xukunka ciidamadiisuna wali waxay ku sugan yihiin deegaankaas.
Balse hadda, markii ugu horraysay 20 sano kadib, ayaa wafdi ka socda Eritrea waxay toos u yimaadeen magaalada Addis Ababa.
Heshiiska nabadda ayaa horseedi kara in uu soo afjaro nidaamka askaraynta khasabka ah ee aan dhammaadka lahayn ee Eritrea.
Nidaamkan askaraynta khasabka ah ee aan dhammaadka lahayn ayaa ah sababta ugu weyn ee dhalinyaro badan oo Eritrea u dhashay ay dalkooda uga carareen.
Itoobiya gudaheeda, cid waliba raali kama wada ahan isbaddalladiisa cusub, arrintaas ayaa waxaa hoosta ka xariiqay bambo gacmeedkii lala beegsaday isusoobixii nabadeed ee ballaarnaa.
Inkastoo haatan uu Raisul Wasaare Abiy uu haysto shacbiyad ballaaran oo ku aaddan qorshihiisa isbadalka.