Saxilnews.com
XISBIGA KULMIYE AYAA MANTA KA HADLAY MAWQIFKIISA KU DOORASHADA SOO SOCOTA
February 19, 2015 - Written by admin

Hargaysa (S N)-Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray maanta ku caddeeyay Mowqifkiisa ku aadan doorashada qabsoomiddeeda.

War-saxaafadeedkaasi oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa u dhignaa sidan:-

Ujeeddo :Mawqifka Xisbiga kulmiye ee Doorashooyinka

Mudane Madaxweyne

Waxa inoo farxada inaan maanta halkan ku kulanno oo cid walba u caddayno mowqifka xisbigeenna ee doorashooyinka.

Dimoqraadiyashu waji gaar ah ayay u leedahay dal kasta iyo dadkiisa, sababtoo ah waxay ka soo dhex baxdaa habka dhaqan-dhaaqale, diimeed, taariikheed iyo is-dhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.

Kulmiye wuxuu ku dadaalayaa in uu ku dhaqmo tiirarka dimoqraadiyadda ee faa’iidada inno leh.

Laba ka mid tiirarkaasi waa

  1. In Golayaasha Qaranka iyo D\Hoose ku yimaaddaan xafiiska doorasho xor ah, isla markaana u hoggaansanaadaan rabitaanka codbixiyaasha

  2. In la helo doorashooyin hufan oo ku qabsooma wakhtigoodii

Haddaba xisbiga iyo xukuumaddu gaar ahaan madaxweynuhu isaga oo arrimaha ka duulaya waxa wakhtigoodii ku fuliyey hawlihii kaga aadanaa doorashooyinka, kuwaasi oo ahaa saddex qodob

  1. Dhammaystir sharci

  2. Magacabidda GDQ (Guddida Doorashooyinka Qaranka)

  3. Dhaqaale

Intaa waxa dheer in Madaxweynuhu u qoray daneeyayaasha doorashooyinka warqad uu ku muujinayo u diyaargalowga doorashooyinka( letter of commitment) 17.11.2013

Waxaa hubaal ah in Madaxwayanaha ka gudbeen qodobbadaasi wakhtigoodii, waxaana la ogyahay in ay ku xannibmeen xafiiska Guddoomiyaha Wakiilada oo isagu qayb wayn ku lahaa fulinta.

Mawqifka Kulmiye

  1. In Komishanku leeyahay awoodda wakhtiga doorashada la qabanayo

  2. In Kulmiye uu diyaar u yahay doorashada, galaayana marka komishanku iclaamiyo

  3. Haddii doorashadu dib u dhacdo xisbiyada qaranka laba arrimood oo keli ah ayaa la gudboon, maxaa innaga khaldamay? Iyo sidee ugu fiican ee doorashadda u qabsannaa labadaana waxaa loo raacaayaa sharciga, Midna waa biyo kama dhibcaan ee ha la ogaado, cid kasta oo dood qabta waa in ayna ka bixin xaynaabka sharci.

Haddii doorashadu wakhtigeedu ku qabsoomi waydo howlaha qaranku waxay u soconayaan sidoodii, iyada oo la raacayo sharciga dalka u deggen.

Xasbiga kulmiye caad kama saarna in fikradaha iska hor imanaya iyo baanisuhu yihiin dabeecaddaha hannaanka xisbiyada badan, hase ahaatee waxaa iyana ka mid ah dhaqanka dimoqraadiyadda in isu caqli celin iyo is-qancin lagu gaadho talo la isla qaato.

Waa taa bisaylka siyaasadeed ee danta guud ku jirtaa, waa aragtida kulmiye ka duulayo ee ku maaraynaayo hawlaha qaranka naf iyo maalba loo soo huray”

DSC_0027War-saxaafadeedkan ayuu xisbigu soo saaray ka dib markii uu Guddoomiyaha KULMIYE maanta ka qayb-galay fadhigii Golaha Wasiirrada, kaasi oo uu ka caddeeyay Mowqifkan.

 

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News