Saxilnews.com
ZAAD iyo E-Dahab sidee bay qayb uga yihiin sicir bararka iyo qiima dhaca shillingka Somaliland ?.
January 26, 2017 - Written by admin

qaabka ay u shaqeeyaan ZAAD iyo E-Dahab gabi ahaanba waa qalad cidii igu haysta diyaar baan u ahayn inaan qanciyo , dad baa odhan doona caalamka ayuu ka Jiraa adeega moobilka lacagaha laysugu diro ee sidee buu qalad u yahay , Adeega (MMT = Mobile Money Transfer) waa mid caalami ah oo aduunka ka shaqeeya , taasi waa run laakiin sidan uu somaliland uga shaqeeyo adduunka meelna ugama shaqeeyo looma isticmaalo.
Adeega lacagaha Telefoonada laysugu jiro wuxuu ka shaqeeyaa Kenya oo waddan inta badan Tusaalayaal ugu badan dadka reer Somaliland usoo qaataan Kenya Adeegan waxaa loo Yaqaanaa M-Pesa ( Xarafka M wuxuu u taagan yahay Mobil halka Pesa ay tahay Kelmed Sawaaxili ah oo ah Lacag “.

Maxay ku kala duwan yihiin ZAAD , E-DAHAB (Somaliland ) iyo M-Pesa ( Kenya) ?

Adeega M-Pesa ee laga isticmaalo Kenya kuma salaysan doolar laguma diri karo lacag doolar ah ama mid kale oo qalaad , Adeega M-Pesa wuxuu ku shaqeeya lacagta waddanka Kenya ee Kenyan Shilling , sidaasi oo ay tahay Adeega M-Pesa waa lacagtii Kenya oo loo bedelay uun Mobil Money Transfer , sidaas oo ay tahay Shirkada Safaricom oo adeega M-Pesa bixisaa waxay lacagta kusoo xeraysaa baanka dhexe ee Kenya.

Somaliland Adeega ZAAD iyo E-DAHAB waxay ku salaysan yihiin doolar markaa waxay ka dhigan tahay Lacag doolar ah oo suuqa ku jirta , wey jirtaa inay shirkaduhu sameeyeen Adeega ZAAD Shilling Somaliland iyo E-DAHAB shilling somaliland laakiin waxaa hubaal ah adeegyadaasi ma shaqeeyaan sababtuu doono ha noqdaane .

Hadaba Adeega ZAAD Service Iyo E-DAHAB sidee bay qayb uga yihiin Sicir bararka ?

Adeegyada ZAAD iyo E-DAHAB 100$ isaga oo laba boqol oo doolar ah ayuu suuqa ku jiraa , taasi oo ka dhigan in boqolkii 100$ noqday 200$ , Waa laga yabaa inaad isweydiiyo siduu u noqday ? .
Lacagta aad dhigato adeega ZAAD ama E-DAHAB , Telesom iyo Dahabshiil waxay kaa qaataan lacag kaash ah ah oo doolar ah waxayna telefoonkaaga kuugu shubaan tiro lambaro ah ( digits ) markii aad dhigatayba Telesom iyo dahabshiil Lacagtii aad dhigtay maaha mid iska taala ee waa lacag suuqa ku jirta oo shaqaynaysa , E-DAHAB iyo ZAAD Lacagtii aad dhigatay Telesom iyo Dahabshiil suuqa ayay wax kagaga iibsadaan adiguna Lambaradii laguugu shubay suuqa ayaad wax ku iibsataa , tusaale ahaan 1000$ doolar ee aad Telesom ama Dahabshiil E-Dahabkooda iyo Zaadkooda kusoo shubatay isaga oo lambaro ah hadaad dekeda berbera gaadhi kaga soo cashuuratay ama suuqyada Somaliland alaab kagaga soo iibsatay Telesom iyo dahabshiilna sidaada oo kale ayuu Lacagtii aad u dhiibtay iyadoo Cadaan ah ( Cash ) kusoo cashuurtay gaadhi dekeda u yaalay ay leeyihiin Lacagtii ilaa 1000$ uun bay , adigu waadigan iyadoo Lambaro ah isticmaalay Telesom iyo Dahabshiilna waa kuwan iyadoo Kaash ah isticmaalee , Ma lacagtii baa isdhashay maxaa 1000$ ka dhigay 2000$ ee midna ZAAD iyo E-DAHAB ku jiro midna kaashka tahay , bal adigu isweydii ?.

inta aadan ka jawaabin su,aashan kor ku xusan waxaad isweydiisaa uun sidee Telesom iyo Dahabshiil adeegyadan ( ZAAD iyo E-DAHAB) faa,iido uga helaan , hadii aanay faa,iido ka helan maxay u diidayaan inay amarka qaataan ? , Jawaabtu waa iska cadahay Telesom iyo Dahabshiil hadaad boqol dhigayo adeegyadooda ZAAD iyo E-DAHAB waxay ka faa,iidaan intaad dhigatay in Le,eg.

Fadlan #Share Garee hadaad igu raacsan tahay.

” Nolosha dadka danyarta ah baa ka muhiimsan adeeg kasta oo faa,iido doon ah ” .

COMMENTS
Latest News