Saxilnews.com
YAAB! Guushii Manchester United Ka Gaadhay Juventus Oo Faa’iido U Noqotay Chelsea – Akhriso Waxa Isku Xidhiidhiyey Saddexda Kooxood
November 8, 2018 - Written by editor

Chelsea ayaa faa’iido ka heshay ciyaartii Manchester United xalay kaga adkaatay Juventus ee tartanka Champions League, taas oo ku dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday United oo marti ahayd.

Blues oo xagaagii magacowday tababaraha Talyaaniga ah ee Maurizio Sarri ayaa waxa uu ka dhigay kooxdiisa midda kaliya ee aan dhinaceeda dhulka la dhigin xili ciyaareedkan dhamaan tartamada kala duwan ee ay ku jirto, waxaanay ka sare martay laba kooxood oo rikoodhkaas kula dagaallamayey.

Juventus oo aan hal mar laga badinin dhamaan tartamada, ayaa waxa xalay qabatay Manchester United oo weliba si xun uga adkaatay waqtigii dhimashada, waxaana habeenkii Salaasadii sida Juve oo kale rikoodhka guul-darro la’aanta looga jabiyey Borussia Dortmund oo ku naaloonaysay guul-darro la’aan sabab u noqotay inay hayso hoggaanka horyaalka Bundesliga, sidoo kalena Atletico Madrid bishii hore 4-0 ku khaarajisay ka hor intii aan toddobaadkan lagaga aargoosanin 2-0.

Guul-darrada Juventus iyo Borussia Dortmund, waxay meel bannaan oo kaligeed ah dhigeen Chelsea oo hadda ah kooxda kaliya ee shanta horyaal ee waaweyn iyo tartamada Yurub aan mar kaliya laga badinin, waxaana rikoodhkaas ka caawiyey macallinkoodii hore ee Jose Mourinho oo ka jabiyey Juve oo ku haysan lahayd rikoodhkan.

Horyaallada Premier League, Serie A, LaLiga, Ligue 1 iyo Bundesliga, dhamaan kooxuhu waxay dhadhamiyeen guul-darrooyin marka laga reebo Chelsea, taasna waxa mahaddeeda leh tababare Sarri oo isbeddel cajiib ah ku sameeyey Blues tan iyo markii uu xilka kala wareegay Conte oo ka hor bilowga horyaalka shaqada laga caydhiyey

COMMENTS
Latest News