Saxilnews.com
Yaa kugulaysan doona doorashada galmudugfursada sadexda musharaxnimda
May 1, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

Cadaado(Saxilnews)Waxaa maanta khudbadahooda musharaxnimo u jeediyay Baarlamaanka maamulka Galmudug saddexda musharax ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug.

Doorashada oo dhici doonta 3-da Bishan May 2017 ayaa saadaal kala duwan laga bixinayaa cidda ku soo bixi doonto, iyadoo lagu soo koobay saddex musharax oo kaliya, isla markaana aanay xiisadeedu ahayn mid u weyn sidii doorashadii koowaad.

Musharaxiinta xilkan u taagan ayaa kala ah:

Axmed Ducaale Geelle Xaaf

Cabdikadir Maxamed Shirwac

Axmed Shariif Hilowle

Dadka la socda doorashadan ayaa sheegaya in Axmed Shariif Cali Hilowle uu heysto taageero badan oo siyaasiyiinta Galmudug kasoo jeeda ah iyadoo loo saadaalinayo inuu ku soo baxo doorashada Arbacadda ka dhici doonta magaalada Cadaado.

Musharaxan ayaa taageero ka heysta madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin lama oga sida xildhibaanada Baarlmaanka Galmudug u dhaqmi doonaan, siiba inay xaaladu isbedeli karto haddii ay timaado inuu dhaqaale meesha soo galo.

COMMENTS
Latest News