Saxilnews.com
Xulka Gobalka Hawd Oo 2:0 Ku Caraabiyey Xulka Gobalka Sool.
October 29, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):-  Waxaa maalintii saddexaad garoonka  kubada cagta ah ee  Hargeysa Stadium si habsami ah uga socda koobkii ciyaaraha gobalada Somaliland .

Galabta ayaa waxaa garoonkaasi fooda isku daray labada gobol ee Sool iyo Hawd waxana nasiibku  siiyey in xulka gobalka Hawd ay haafkii  hore ee ciyaarta ay dhaliyaan   hal gool

Markii  ay bilaabmatey haafkii labaad ee ciyaartu gabo gabo ku dhawaadkii waxaa mar labaad xulka gobalka Hawd nasiibku siiyey in ay dhashadaan goolkii labaad

Ciyaarta ayaa waxaa ay ku soo dhamaatey Hawd 2 Sool 0 waxaana sidaasi xulka gobalka Hawd garoonka kala  caraabeen guul  halka dhinca  kale ciyaartoyga xulka gobalka Sool ay u hanbalyeeyen guusha ay galabta  gaadheen dhigooda Hawd

COMMENTS
Latest News