Saxilnews.com
Xulka Gobalka Gabiley Ayaa Galabta Cagta Mariyay Xulka Gobalka Daad-madheedh Kuna Caraabiyey 2 Iyo 1
October 30, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):-  Waxaa maalintii saddexaad garoonka  kubada cagta ah ee  Hargeysa Stadium si habsami ah uga socda koobkii ciyaaraha gobalada Somaliland .

Galabta ayaa waxaa garoonkaasi fooda isku daray labada gobol ee Gabiley  iyo Daadmadheedh waxana nasiibku  siiyey in xulka gobalka Gabiley ay haafkii  hore ee ciyaarta ay dhaliyaan   hal gool

Markii  ay bilaabmatey haafkii labaad ee ciyaartu gabo gabo ku dhawaadkii waxaa mar labaad xulka gobalka Gabiley nasiibku siiyey in ay dhashadaan goolkii labaad

Ciyaarta ayaa waxaa ay ku soo dhamaatey Gabiley 2 Daadmadheedh 1 oo rikoodhe loo dhigay waxaana sidaasi xulka gobalka Gabiley garoonka kala  caraabeen guul  halka dhinca  kale ciyaartoyga xulka gobalka Daadmadheedh  ay u hanbalyeeyen guusha ay galabta  gaadheen dhigooda Gabiley

Zaki Adam Zuxufi

Hargeysa//Office

COMMENTS
Latest News