Saxilnews.com
Xukuumdda Siilaanyo Oo Ku Fashilantay Mashruucii Biyo Balaadhinta Ee Degaanka Xunbo -weyn Iyo Haraadka Hargeysa
December 2, 2015 - Written by admin
 Hargeisa  (Saxilnews.com)_Xukuumadda Somaliland ayaa gebi ahaanba ku fashilantay mashruucii biyo balaadhinta caasimada Hargeysa ee laga waday degeenka Xubo-wayne,iyadoo ay hadda istaagtey shaqadii ka socotay degaanka Xubo-weyne.
Mashruucan oo ahaa mid ay dowlada imaraadku qarashkiisa bixisay, ayaa la rumaysanyahay in lacagtii loogu talogalay la leexsaday, iyadoo loo aananaynayo inay kala qayb-sadeen wiilka wakaalada biyaha Hargeysa haysta  iyo wasiirkii hore ee macdanda iyo biyaha  xuseen (weji xun) isagoo mar uu warbaahinta la haddlay sheegay in magaalada Hargeysa ay biyaha ka haqab beeli-doonto horaantii sanadkan hadda sii dhammaanay ee 2015.
Dhanka kale dad weynaha ku nool magaalada Hargeysa ayaa badi caba biyaha lagu keeno gaadiidka booyadaha loo yaqaano ee laga soo dhaamiyo doox-yada aw-barkhadle, Xaraf, Jaleel, iyo meelo kale,waxaana xusid mudan inay booyaduhu aanay shan foosto wax ka yar iibin mararka qaarkood, taas oo dhibaato badan ku haysa dadka danyarta ah ee aan awoodin inay shubtaa shan foosto oo is wata.
Ugu dambayntii xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay siilaanyo ayaa gebi ahaanba ku fashilantay mashruucii biyo gelinta, Hargeysa,waxaanay beenaysay balankeedii ahaa Hargeysa 2015 waxay heylaysaa biyo ku filkan.

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News