Saxilnews.com
XUKUUMADDA OO MARKII UGU HOREYSAY FAAHFAAHISAY SABABTA LOO XIDHAY TALIYE XIGEENKA SOCDAALKA
September 27, 2015 - Written by admin

Hargeisa (Saxilnews)-Taliye ku xigeenka laanta Socdaalka Somaliland Gaashàanle Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) ayaa xabsiga laga sii daayay

.Sablaale

taliye xigeenka laanta socdaalka oo in muddo ah xabsi ku jiray ayaa wasaarada arrimaha gudaha somaliland oo markii ugu horeysay ka hadashay xadhigiisu waxa ay ku macnaysay in uu ka dambeeyay ka dib markii uu iska diiday ama iska dhago mariyay amarka wasiirka arrimaha gudaha somaliland.

Wasiir xigeenka arrimaha gudaha gudaha Axamed Faarax Caddare  oo ka hadlayay xadhiga taliye xigeenka, wargeyska saxansaxona u waramay ayaa yidhi “Waxa lagu xidhay Taliye ku xigeenka Ciidanka Laanta Socdaalka Gaashaanle Sare Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) amar diido uu sameeyey, markaa amar diidadaas ayaa keentay xadhiggiisa waxaana la tusayaa anshaxa oo lagu xidhay, Wasiirkana waxa ay isgu dheceen waa amar diidadaas uune wax kale ma aha, laakiin waa amar diido uun dee arrintu, xadhiggana waxa keenay anshaxa ayaa la marsiinayaa”

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
Latest News