Saxilnews.com
Xukuumada Somaliland Oo Xisbiga Waddani Saaka Ka Hor Istaagey Xaflad Uu Ku Qabsan Lahaa Magaalada Hargeysa
March 14, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (SaxilNews):- Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay saaka xisbiga mucaaridka ah eeWaddani ay ka hor istaagey xaflad uu ku qabsan lahaa hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa .

 

Xafladan ayaa waxaa uu xisbigu qorsheeyey in uu kaga hadlo isla markaana uu cilmi baadhis ku sameeyo saameynta togan iyo mida taban ee saldhiga magaalada Berbera laga siiyey dawlada Imaaradku Somaliland ku leeyahay .

 

Warqad ka soo baxdey xafiiska wasiirul dawlaha wasaarada arimaha gudaha oo loo qeybiyey Hotelada magaalada ayaa lagu sheegay in aanay xukuumadu ogaleen shirkaas iyo kuwa la midka ah

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqada Ka Soo Baxdey Wasaarada Arimaha Gudaha

No automatic alt text available.

 

COMMENTS
Latest News