Saxilnews.com
XUKUUMADA SOMALILAND OO SOO BANDHIGTAY ARAGTIDA AY KA QABTO SAFARKII WASIIRKA QORSHAYNTA SOOMAALIYA KU YIMID BADHAN
January 4, 2018 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com):-Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay fara gelinta ay dawlada federaalka ah ee soomaaliya ku samaysay  xuduuda bariga gaar ahaan degmada Badhan ee gobolka Sanaag.Shirkii golaha wasiirada somaliland ee maanta qabsoomay oo lagu soo qaaday safarkii wasiirka  qorshaynta dawlada soomaaliya ku yimid degmada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa lagu sheegay in talaabaadaaasi ay dawlada somaliland u aragto gardaro cad oo kaga imanaysa xukuumada Muqdisho.War murtiyeed ka soo baxay Shirkii golaha wasiirada dawlada somaliland ayaa qodobka koowaad lagu sheegay aragtida ay somaliland ka qabto safarkii wasiirkii qorshaynta soomaaliya ee Badhan,waxaanu qodobkaasi u dhignaa sidan“In Dawladda Somaliland ay gardaro cad u aragto faro-gelinta ay Soomaaliya ku samaysay hawada Somaliland, sidoo kalena ay qaar ka mid ah maamulkeedu soo galaan xuduudaha Somaliland, taasina maaha mid ay Somaliland u dulqaadan doonto wixii hadda ka danbeeya.

 

COMMENTS
Latest News