Saxilnews.com
XUKUUMADA SOMALILAND OO SHAACISAY TIRADA XOOLAHA AY SANADKAN XAJKA U DHOOFISAY + MUUQAAL.
September 6, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):- Wasiirka wasaarada Xanaanada xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa waxaa uu shaaciyey tirada xoolaha ay sanadka Somaliland dibada  dhoofisay iyo waliba tirada xoolaha sanadkan xajka loo dhoofiyey

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in guud ahaan Sanadkan Somaliland dibada  dhoofisay xoolo tiradoodi tahay 3 Million iyo shan iyo lixdan kun oo neef sidoo kalana ay Somaliland sanadkan xajka u dhoofisay 1 Million iyo lix boqol oo neef oo adhi ah 

Dhinca kale waxaa uu wasiir cukuse uu guul ku tilmaamay isla markaana uu so weyn u soo dhaweeyey heshiiska dekada Berbera isaga oo sii gaar ah ugu amaanay gusha heshiiskaas safiirka imaaradka carabta  u fadhiya Somaliland Amp.Baashe Cawil

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

COMMENTS
Latest News