Saxilnews.com
Xukuumada Somaliland Oo Joojisay U Tartamida Tobanka Kaalmood Ee Ugu Sareeya Imtixaanka Shahaadiga Ah
June 7, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Hargeysa (Saxilnews) Xukuumada Somaliland oo joojisay gabi ahaanba u tartamida tobanka kaalmood ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan.

Sidoo kale waxaa ay daboolka ka qaaday qorsheyaal lagaga hor-tagayo qishida imtixaanka.

Waxaana sidan sheegay agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Pro. Cabdi Cali Jaamac oo maanta xafiiska shir-jaraa;id ku qabtay

Waxa la mamnuucay in:—–

1- Mobilada lala yimaaddo goobaha imtixaanda. Ardaygii la yimaadda waxa shaqadooda ka qabsanaya ciidanka bilayska. Ka warran adigoo imtixaan u soo diyaar garoobay oo galay bad kale sida in lagu xidho.

2-Waxa la joojiyay wixii la odhan jiray Top Ten (tobanka arday ee u sarreeya).

3-In warbaahinta laga sheego arrimahaas oo dhan muddada ka hadhsan imtixaank

Mar dhaw oo aan sidaas u siifogeyn waxanu halkan idiinku soo gudbin doona muuqaalka warkan oo dhameystiran

COMMENTS
Latest News