|
|||||
Saxilnews.com
Xukuumada Somaliland Ayaa Ka Jawaabtay Hadaladii Midowga Yurub ”Dalkani qawaaniin iyo shuruuc uu dhigtay ayuu leeyahay, kuwaasaanna lagu dhaqmayaa cid iska hor
April 16, 2015 - Written by adminHargaysa (Saxil News.com)-Xukuumadda Somaliland,ayaa jawaab adag ka bixisay hadal ka soo yeedhay Midawga Yurub oo ka hadlay lix qof oo dil sugayaal ah oo maalintii Isniintii toddobaadkan lagu fuliyay dil qisaas ah kuwaas oo hore dad ugu dilay deegaanno kala duwan oo Somaliland ah. Wasiirka oo aanu waydiinay waxa uu kaga jawaabayo baaqa Midawga Yurub ee ay Somaliland ugu soo jeediyeen in ay joojiso dilalka qisaasta ah,waxa uu yidhi yidhi. “Horena looma joojin, meel lagu yidhi waa la joojiyayna ma jirto imikana lama joojinayo dalku sharci ayuu leeyahay sharciga dalku cidda uu qisaaso ee mara qawaaniinta dalka cidna looga habran maayo fulintiisa iyo ku dhaqanka shuruucda dalka. Cidda ay khusayso qawaaniinta dalku eeay saamaynaysaa waa bulshada reer Somaliland bulshadayadiina way nagu hambalyaysay oo raalli ayay ka tahay fulinta qisaasta. Midawga Yurub waxay sheegayaan dalalkooda ha ku xukumaan, dalka Somaliland ma khusayso lagumana dhaqayo wax aan ahayn shuruucda u degsan ee uu qaranka ku yahay fulinta qisaastana nolosheenna ayaa ku jirta oo waxaad ka garan kartaa sida ay dadku ugu farxeen.”
Hargaysa Somaliland
COMMENTS
|
Latest News
|