Saxilnews.com
XUKUUMADA MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO KORDHISAY KIRADA HAAMAHA SHIDAALKA BERBERA
January 9, 2019 - Written by editor

Hargeysa(saxilnews.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa kordhisay qiimaha kirada ee haamaha shidaalka Berbera 32% foostadii, gaar ahaan naaftada.

 

Halkii foosto ee naaftada ah ayaa markii hore laga qaadi jiray khidmad dhan 5.28 dollar halka imika laga dhigey 7 dollar.

Arrintan ayaa sababi karta in uu kordho qiimaha shidaalka ee suuqyada Somaliland.

COMMENTS
Latest News