Saxilnews.com
Xukumada Oo Si Rasmi Ah Shirkadii Laga Kireeyey Ugu Wareejisay Dekeda Berbera Buuq Iyo Saxan Shalay Hadheeyey Dekeda+Ciidamo Dheeraad Ah Oo La Geeyey…
March 2, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews):-Wararka naga soo gaadhay Magaaladda Berbera ee Caasimada Gobolka Saaxil ayaa noo Xaqiijiyay in shalay Xukuumaddu si qarsoodi ah ugu wareejisay Maamulkii Dekeda Berbera Masuuliyiinta Shirkada DP-World oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Huteel Magaaladda Berbera kuyaala,Waxa kale oo ay Wararku sheegayaa inay Xukuumaddu shalay ciidamo xoogan ku daad guraysay Dekeda si ay Amniga Xaalada Kala wareega u sugaan.

Wararkan Xalay Wargeysa Foore helay ayaa tibaaxay inay Shalay arooryadii hore maamulka Dekeda Berbera la wareegeen Masuuliyiinta Shirkada Dp-World oo ay si toos ah ufadhiisteen Xafiisyadii shaqada ee Dekeda Berbera,Waxaana sidoo kale halkaasi shalay lagu arkay Ciidamo badan oo kuwa bilayska ah oo aad u gaashaaman oo la wareegay gabi ahaanba Maamulka Amniga Dekeda Berbera iyadoo meelaha qaarna magaaladda dhexdeeda lagu arkayay Ciidamo koox koox u wada socday kuwaasi oo loo maleeyay in loo diyaariyay inay xasiliyaan Wakhtiga kala wareega ah ee ay gashay Dekeda ugu weyn Somaliland ee Berbera oo lagu wareejiyay shirkada Ajaanib ah,Islamarkaana wareejinteedu buuq iyo hadal hayn badan ka dhalisay guud ahaan gayiga Somaliland.

Inkasta oo ay Xukuumaddu war hoose ka soo saartay Inay Badeshay Wakhtigii ay hore u iclaamisay inay dekeda Berbera ku wareejinayso Shirkada laga kireeyay ee DP-WORLD,oo Shalay ku beegnayd,dadkana loogu sheegay in lala sugayo soo laabashada Waftiga Madaxweyne oo safar dibadeed ku maqan,haddana waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen Qaar ka mid ah shaqaalaha Dekeda berbera in Shalay ay si qarsoodi ay Xukuumaddu ugu wareejisay DP-World Maamulkii Dekeda, islamarkaana ay Xukuumaddu sidaasi u yeeshay cabsi ay ka qabto in Buuq iyo Rabshado ka dhashaan haddii munaasibad loo sameeyo.

Qaar ka mid ah Shaqaalihii la ruqseeyay ayaa shalay gaaf wareegayay Dekeda Berbera iyagoo Naawilayay Hadalo Qaboow Oo Uga Imanayay Masuuliyiinta Dekeda [Maareeye Ku Xigeenka iyo Saraakiil Kaleba] Iyagoo U Sheegayay In Dib Loo Eegi Doono Dacwadooda, Lagana hadli Doono Masuuliyiinta DP WOLRD Ee Berbera Jooga.Warar kale ayaa sheegayay Inay shaqaalahaasi qaarkood buuq ka sameeyeen Dekeda Berbera,Dhawr jeerna ay qarka u saarantay inay rabshado isku badesho. Warar kale ayaa sheegaya in xukuumaddu habeen hore wareejisay dekedda iyada oo kaashanaysa saraakiisha ugu sareeya ciidamada amniga, badda iyo maamulka Gobolka kuwaasi oo shir qarsoodi ah ku yeeshay guriga badhasaabka isla markaana lagu go’aamiyey wareejintan qarsoodiga ah ee shalay uun lagu soo toosay.

Source Foore

COMMENTS
Latest News