Saxilnews.com
Xogo Dheeraad ah Oo Ku Saabsan Hogaanka Xarunta Dhaqanka Baydhsan Ee Hargaysa
July 25, 2017 - Written by admin

Xogo Dheeraad ah Oo Ku Saabsan Hogaanka Xarunta Dhaqanka Baydhsan Ee Hargayda

Soomalidu guud ahaan waa umad muslim ah. Waa umad xataa kooda aan ku camal falin diinta ama xataa aan tukan uu hadana isu arko inuu diinta masuul ka yahay. Sidoo kale dhaqanka Somaliga ahi ma aqbalo dhaqano ka baxsan shareecada islaamka. Magaalayntu ama cara edgayntu (urbanization and globalization) waxa ay saamayn wayn ku yeesheen dhaqanada umadaha. Sidoo kale dhaqanku waa waxyaabaha maanta dunida lagu cabiro awooda wadan leeyahay. Hadii dhaqankaagu uu yahay mid aduunka oo dhan laga jecel yahay waxaa kordhinaysa saamaynta aad dunida kale ku leedahay (influence and normative power). Wadamada reer galbeedka ee maanta dunida hor kacaa waxay si firfircoon u faafiyaan dhaqanadooda iyo habkooda nolosha. Waxaa maanta dunida aad caan uga ah wada noolaansha dhaqanada (Multiculturalism) oo ah inuu qofku sida uu doono u noolaaado ama wuxuu doono uu noqdo sida diin laawe, mulxid, muslim, gay iyo mufsidba. Xarunta dhaqanka ee Hargeisi waxay u ololaysaa wadanoolaanshaha dhaqamada (multiculturalism) Inagu darkalynu nahay waa halkii hadraawiye darkii islaamka ayaynu nahay diinteenu ma soo dhawaynayso inuu qofka bini aadamkii dabar la,aan socdo. Xarunta dhaqanka ee Hargeisa waxay wakiil ka tahay oo lacag ku heshaa sidii dhaqanka Somaligu uu u noqon lahaa multicultural – dhaqan dhaqanada kalana aqbala. Maanta dhalinyarada baraha bulshada ka difaacda cilmaaniyada iyo diin la,aanta ee aad wada aragteen waxay ka soo dhinbiil qaataan xarunta dhaqanka ee Hargeisa.

 

Cabdiqani Haashi Guuleed

Berbera /Somaliland

COMMENTS
Latest News