Saxilnews.com
Xoghayaha Qaramada Midoobey Iyo Madaxweynaha Dalka UGANDA Oo Ka Wada Hadley Xaalada Somaliya Iyo Arimaha Diirada La Saarey
January 30, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya gaar ahaan xarunta

dhexe ee ururka midowga Africa waxaa kulan ku yeeshay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo xog-hayaha cusub QM Antonio Guterres.

Image may contain: 2 people, people sitting

 

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xaalada amniga dalalka Soomaaliya, South Sudan, Burundi iyo Koongada Dimquraadiga, maadaama dalalkan ay ka jiraan xaalado qatar oo dhinaca amniga ah.

Waxa ay si gaar ah kulankooda diirada ugu saareen xaaladda Soomaaliya, howlgalka AMISOM iyo xilliga kala guurka ee Soomaalia oo doorashada Madaxweynaha ay ka dhaceyso 8-da Febraayo 2017-ka.Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay ka codsaday in dalkiisa laga taageero xaaladda Qaxootiga ku sugan Uganda, si dadkaasi ay u helaan cuno ku fulin.

Sidoo kale dhinacyadan ayaa waxaa ay isla garteen sidii dalka Soomaaliya looga taageeri lahaa baahida la xiriirta dhismaha aragtida siyaasadeed ee Qaranka Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News