Saxilnews.com
Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Ka Qayb-gasho Wada-hadaladdii Somaliland Iyo Somalia
November 19, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka digay ka qeyb-galka warar maalmahii ugu dambeeyey sheegayey in ay dib u billaabmayaan wada-hadaladdii ha’kadka galay ee u dhaxeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ku waasi oo la sheegayo in wejigan hadda dib u billaabmaaya ay isku soo horfadhiisan doonaan odeyaal iyo wax-garad ka socda madax-dhaqameedka Somaliland iyo Somaliya, waxaana uu tilmaamay in wakhtigii dabarka laga furaayey wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya aan sharcigu u fasaxin in wada-hadaladaas ay ka qeyb-galaan cid ka baxsan xukuumadda Somaliland isla mar ahaantaana aan loo igman odey dhaqameedyada iyo sida oo kale qeybaha kale ee bulshada Somaliland.

COMMENTS
Latest News