Saxilnews.com
XISBIGA WADDANI OO KA HADLEY BANAAN BAX MAANTA KA DHACAY HARGEYSA OO AY XUKUUMADU SOO ABAABUSHEY + MUUQAAL.
September 20, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (GTV):- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu ka hadley banaan bax ay xukuumadu soo abaabushey oo saaka ka dhacey magaalada Hargeysa iyo qaar ka  mid ah gobalada Dalka

 

Siciid Bustaale gudoomiyaa gobalka Maroodi-Jeex  ee xisbiga Waddani  oo arintaasi ka hadley waxaa uu sheegay in xukuumadu ay soo abaabushey ardeydii ay walidiintii dhashey iskuulada u diratey

Sidoo kale gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in banaan baxaasi uu ka dhashey in tuugtii suuqa joogtey ay  ka faa,ideystaan iyaga oo boob iyo dhac u geystay dadkii ganacsatada ahaa ee suuqa  ku suganaa

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

COMMENTS
Latest News