Saxilnews.com
XISBIGA MUXAAFIDKA AH EE KULMIYE OO BEENIYAY WAR KU SOO BAXAY WARBAAHINTA GUDAHA.
March 21, 2015 - Written by admin

Xisbiga Muaafidka ah ee KULMIYE ayaa warsaxafadeed uu soo saaray Waxaa uu ku daadifeeyay isla markaana waxaba kama jiraan ku tilmaamay War Ku Soo Baxay Mid kamida Jaraa’idada Ka Soo Baxa Magaaladda Hargeysa Warsaxafadeedkaas oo nasoo gaadhay ayaa u dhignaa sida.  XISBIGA MIDNIMADA & HORUMARINTA SOMALILAND

 

Ujeedo: Saxaafada

War gayska Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeisa ayaa wuxuu cadadkiisii manta boga hore ku daabacay war aan sal iyo raad toona lahayn oo waxba ka jirin, waxanan cid kasta u cadaynaynaa in warkaasi yahay been cad oo fore u badheedhay oo aanu geedna ugu soo gaban.

Waxaanu bulshada u sheegaynaa in madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ay ka midaysanyihiin siyaasada Dawlada iyo xisbiga ee xiligan iyo ta mustaqbalkaba.

Saxaafadu qaranka waxay u haysaa masuuliyad wayn , hadii masuuliyadaasi u gacan gasho cidan ehel u ahayn waxay dalka ka abuuri kartaa khal-khal wareed.

Gabagabadii waxaanu bogaadinaynaa saxaafada inteeda badan ee dhawrtay Anshaxa iyo xeerka saxaafada waxaananu u digaynaa inta been abuurka iyo khalkhal galinta bulshada caadaysatay

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News