Saxilnews.com
Xisbiga KULMIYE Oo Lacago Tira Badan Dul-Dhigay Siddii Uu U La Wareegi Lahaa Xafiisyada WADDANI Ee Degmada 26ka Juun Ee Magaalada Hargeysa
March 8, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews):-Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE, ayaa maalmahii ugu dambeeyey waday ololeyaal uuku soo qaaday xafiisyada Xisbiga WADDANI uu ku leeyahay degmada 26ka Juun ee magaalada Hargeysa, waxaana uu lacago tira badan oo laga soo saaray qasnadda dawladda uu ku bixinayaa xafiisyada Xisbiga WADDANI uu ku lee yahay degmada 26ka Juun si uu u la wareego iyaga oo markii hore u kireysnaa Xisbiga WADDANI.

 

Xafiisyada uu illaa hada kharashaadka ugu badan ku bixiyey isla mar ahaantaana qaar ka mid ah ay dadkii mulkiyadda guryahaas iska lahaa ay ganafka ku dhufteen in ay aqbalaan codsigaas KULMIYE, ayaa gaadhaya illaa 7 xafiis oo Xisbiga WADDANI ku lee yahay degmada 26ka Juun ee Hargeysa, waxaana wararku tilmaamayaan in ololelahan xaafadeysan ay si wada-jir ah u soo qaadeen wasiiradda wasaaradda Maaliyadda oo kharashkii ugu badnaa ku bixinaysa iyo ganacsato tira badan oo ka soo jeeda degmada 26ka Juun.

Hada ba arrintan oo yaab iyo fajaciso ku keentay shacabka Somalilad gaar ahaan kuwa ku dhaqan degmada 26ka Juun, ayaa si weyn walaac xooggan uga muujiyey dhaqanadan foosha xun ee uu la soo baxay Xisbiga KULMIYE iyaga oo tilmaamay in ay si aada u sii xumaanayso siyaasadda ka jirta Somaliland maadaama qaab beelaysan uu u dhaqmaayo Xisbigaasi KULMIYE, waxaana qaar ka mid ah dadkii iska lahaa Mulkiyadda Guryahaasi ay noo xaqiijiyeen in ay ganafka ku dhufteen codsi uga yimi Xisbiga KULMIYE si xisbigaasi WADDANI ay ugu dul kireystaan xafiisyada uga furan degmada 26ka Juun ee Hargeysa.

“Codsigaas waa na loo la yimi, weli ba rag waaweyn oo KULMIYE ka socda ayaa inta ay na soo hor istaageen nagu yidhi guryahiina aad WADDANI ka kireyseen inta aad ka saartaan anaga naga kireeya oo lacagta WADDANI mid ka badan baanu idin siineynaa, markaa markii aanu ku nidhi Xisbigaas xidhiidh fiican baa naga dhaxeeya oo si fiican baanu u wada macaamilnaana waxa ay hada na nagu yidhaahdeen miyeydaan xishooneyn ma Xisbi aan keen ahayn baad dooneysaan in uu Xaafadda ka jiro, arrintaas na anagu waanu la yaabnay runtii, deedna waxa aanu ku nidhi orda oo guryo meelahaa kale u doonta anagu WADDANI ka saari maynee.”. Haweenay sheegtay in aan magaceeda la xusin oo ka mid ahayd Mulkiileyaashii guryaha u kireysnaa Xisbiga WADDANI uu lacagaha badan dul dhigay Xisbiga KULMIYE.

COMMENTS
Latest News