Saxilnews.com
XISBIGA KULMIYE OO DEEGANADA SOMALILAND MAGACYO XANAF LEH U KALA BIXIYEY + MUUQAAL.
July 21, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):-  Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxaa uu magacayo cusub oo xanaf leh ula kala baxay Gobalada Somaliland isla markaana u kala qeybiyey sidii  hawl galada ciidamada oo kale ah

 

Xisbiga ayaa waxaa uu gobalada Somaliland magacyada uu ula baxay ee xanafta lehi ay yahiin

1- Beesha gobalada barri Sool, Sanaag iyo Cayn, waxay u la baxeen:-  (Awelba ma joogin iyagana inaga daa)

2- Beesha galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa, waxay reer kulmiye u la bexeen :-  (Col-na waynu nahay, Codna kama rabno) .

3- Beesha bariga Burco, waxay u la baxeen :-   (Sankaa u daloola oo way ku khasban yihiin).

Waxaana maanta  sirtaasi kashifay isla markaana warbaahinta u sheegay gudoomiyaha Wargeyska Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal

Arintan ayaa waxaa ay tahay arin maqalkeedu  ku cusub  yahay shacbiga Somaliland isla markaan ah siyaasad aan waligeed geyiga Somaliland lagaga dhaqmin  .

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

COMMENTS
Latest News