Saxilnews.com
Xilli roobaad Kasta Dooxa Dacarbudhuq Wuxuu Galaafta Hal-door!
March 26, 2015 - Written by admin

Curashada raxmaadka eebbe, gu’ga roon, onkodkiisa judhay dhagahaygu maqlaan, dhibcda koobaad goortay jiingada guriga gob ku tidhaa halka uumiyaha aynigeena ka farxo waxaan galla murug iyo walaac. Waxaan ka naxaa curashada gu’ga aan saadalinaynay muddada, nicadaynu  u oomanayn ee aynu rabbi ka tuugaynay, waxaan ka werwera dooxa galaaftay nolosha dadbadan oo aynu jeclayn, waxaynu gudoona  dhiilada Dooxa dacar-budhuq iyo dhawaaq warka maalinba ciduu qaado. Sannad kasta wuxuu qaada tobanaan muwaadin, waxaanu galaaftaa nolosha dadbadan oo bulshada qiimo ku lahaa, Weli ma maqal meel lagu hadal hayo wax ka qabashadiisa iyo qorshe loogu talo galay in lagu badbaadiyo hal-doorka muwaadiniinta gu’ kasta ku naf waaya Dooxa dacarbudhuq.

Waxaanu bulshada usoo bandhigayna sidii laysu kaashan lahaa ee wax looga qaban lahaa annagoo kaw kah oo bilawgiisa ka qayb qaadanayna ka dhallinyar xisbi ahaan, way habboontahay in lagu dhiirado sidii looso afjari lahaa masiibadan iyo mahadhadan dooxa dacarbudhuq ina baday maadama aanay ahayn mid dhamaanaysa ilaa aynu soo afjaro oo aynu samayno biriij lagaga gudbo, waxaan dareensannahay dhibta uu inagu hayaa intay leegtahay iyo saamaynta uu inagu leeyhay isu socod ahaan waqtiyada gu’ga hadaynu bilawno waynu dhamayn karaa.Masuuliyadda iyo wax ka qabashada masiibaddan dabiiciga ah ee dooxa dacarbudhuq waxay saarantahay xukuumaddeena, waase laga goblamay oo qorshaheega kuma jiro wax ka qabashada sabiidani, dareen iyo damqashana haba sheegin. Haddi daacad ay ka yihiin oo ay inuun lexejeclo ka qabaan umadda ku le’anaysa gu’kasta waxay samayn lahaayeen qorshe wax lagag qabanaayo dooxa oo lagu sameeyo  biriish waqtiyadda daadku maraayo lagaga gudbo. Hantida ummada iyo cashuurta danyarta meel kale oo aan munaasib ahaynba way ku baxdaaye halkaa inoogu baylahda daran ee ina gumaaday maxay u hagranayaa ee ay wax ugaga qaban waayeen?  Maxay xukamaddeenu wax uga qaban wayday,  wuxuunbaan u arkaa mooganaan iyo damqasho la’aan.

Waa nasiib darro inaynu ka tashan kari weyno dooxa dacarbudhuq haday xukuumadii masulliyadda lahayd gabtay shacab ahaan, oo aynu biriish saari kari wayno si ay u nabad galaan dadka ku safraaya xiliga gu’ga jidka halbawlaha ah ee isku xidha magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera. Masuuliyadda culayskeeda waxa leh oo loo doortay xukuumadda waxa dawlad loo yagleela inay ka shaqaysao baahiyaha aasasiga ah ee ay ugu horeeyaan kaabaysaaha dhaqaale, dhismaha waddooyinka iyo biriishyada, kawbay ka yihiin shaqadda ay u idmantahay dawladdenu dayac tirka dooxayadda dadka qaada waqtiyadda roobabaka. Ma jiro qorshe cad oo xukuumaddu ka yeelatay  wixii laga yeeli lahaa dooxa dad qaadka ah ee dhammeyey hal-doorkii bulshada. Gu’ kasta waa sheeko layska ilaabo cidda uu qaado, xasuus aynu kaga gaashamanno inaguma reebo oo weli maynaan odhan gu’ga danbe dooxi ma guurine oo wuu soo rogamanayaa oo daadki meel kale marimaaye maxaynu ka yeela? Haba sheegin warkaaba ma hayno dhoohaninaa oo dhoy li’inaa.

Gu’gan Alle ina asturay oo waxa uu qaadi gaadhay Abwaankeeni weynaa, macalinkii bulshada, mu’alifkii soomaaliyeed, Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi)  raxmaanka ku caynaaniyay oo u saaray badbaado, aynu alla bari dhagano, rabba ina asturee,qiimo la’aanteena iyo qorsho xumanteena weeyan in sannadkasta badda uu ku daro maydkooda hal-door la majeerto oo aynu calaacal iyo cataab ka daba gayno maalmo kooban, hadda qabyo waa halkeedii dooxa aaduunka ah ee ina dhameeyay in laga tashado oo aynu gu’gan ka bilawnaa habboon intaynaan is canaan gu’ga danbe.

Mar hadday xukuumaddu kaalinteedi gabtay, shacaba ahaan waa inaynu ka tashanaa doox dacarbudhuq, oo aynu samaynaa sanduuq dhaqaale si aan gu’ danbe aanu u galaafan dooxani naflayda muwaadiniinta xaqa iyo xuquuqda ku leh qarankeena ee masuuliyaddu ka saarantahay ilaalintooda xukuumaddeena dayaca, waa inaynu tashanaa si aynaan gu’ kasta ugu dhamaysan naxdin iyo murugo, waxaynu wada xasuusanay  labadii gu’yee u danbeeyay inuu dooxa dacarbudhuq qaaday xildhibaan  marxuun Aadan sanweyne oo ka tirsanaa aqalka guurida iyo Suldaan barre oo ka mid ahaa madax dhaqameedka dalka isagoo u socda nabdaynta labba beelood oo khilaaf dhex maray, khasaaraha dooxaasi ina gaadhsiiyay waa mid aad u daran, waxa loo baahanyahay gu’ danbe inaanu soo gelin inagoo sidan isaga fadhina haddi alle yidhaa.

COMMENTS
Latest News