Saxilnews.com
Xilli Ay Real Madrid Isha Ku Hayso In Ay Ku Guulaysato Markii 3-aad Koobka Club World Cup, Wax Ka Ogow Kooxihii Ku Guulaystay Tartanka Tan ilaa 2000
December 13, 2017 - Written by editor

Kooxda Real Madrid ayaa isha ku haysa in ay ku guulaysato tartanka FIFA Club World Cup markii 3-aad ee taariikhdeeda iyada oo semi-finalka caawa la ciyaari doonta kooxda Al Jazira.

Kooxda Zidane ayaa tartanka ku guulaystay laba jeer 3-dii sano ee ugu dambaysay xilli Real hal koob ka xigto in ay la bar-barayso Barcelona.

Hadii ay kooxda Real Madrid caawa meel iska saarto kooxda Al Jazira waxa ay Axada finalka la ciyaari doontaa kooxda reer Brazil ee Gremio.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo gudbin doonaa kooxaha ku guulaystay abaalmarintan tan

 

  1. Corinthians= 2000,2012
  2. Sao Paulo= 2005
  3. Internacional= 2006
  4. Ac Milan= 2007
  5. Man United= 2008
  6. Barcelona= 2009,2011,2015
  7. Inter Milan= 2010
  8. Bayern Munich 2013
  9. Real Madrid 2014,2016

COMMENTS
Latest News