Saxilnews.com
XILDHIBAANADA GOLAHA GUURTIDA OO GUDOOMIYE SALEEBAN LACAG XAQAL CIID AH WEYDIISTEY IYO JAWAABTA UU KA BIXIYEY + MUUQAAL.
September 7, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargeysa (SaxilNews):- Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleeban Maxamud Aadan ayaa waxaa uu sheegay in dakhliga dalka ka soo baxa ay badankiisa ay qaatan saddexda gole ee Somaliland

Gudoomiyaha ayaa  oo ka dareen celinaayey  baaq kaga yimid xildhibaan ka tirsan golahaasi oo gudoomiyaha weydiistey lacag xaqul ciid ah ayaa waxaa uu gudoomiyuh kaga jawaabey

“Waaryaadha waaa nimanka xaqal ciid  ha lahaanine , waxii qaranka ka soo baxaayey saddex deenan gole uun baa isku koobey ma cid kale ayaa wax inala qeybsata , nin waliba intiisa ha isku filneysiiyo , wax sanadkii wax  kordhaan idinka uun baa jira , inteenaas saddex gole mooyane cid kale oo ay wax  kordhaan ma jirto ” ayuu yidhi gudoomiye Saleebaan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan 

COMMENTS
Latest News