Saxilnews.com
XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA SOMALIYA OO MAANTA BIL KADIB KULAN XASAASI AH MAANTA YEELAN DOONA
December 29, 2018 - Written by editor

Moqdisho(saxilnews.com)-Xildhibaanada Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay Kulan Ku yeeshaan xaruntooda golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

 

Ajandaha kulanka ayaa ah aqrinta iyo Ka doodista Miisaaniyadda Dowlada 2019 taas oo xukuumada Federaalka ay maanta horgeyn doonto golaha shacabka.

Kulankan ayaa noqon doona kii ugu horeeyay ee ay yeeshaan xildhibaanaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu soo shaac baxay khilaafkii ka dhashay mooshinka xilka qaadista ahaa ee qaar kamid ah xildhibaano golaha shacabka ay ka gudbiyeen madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sidoo kale Sanadkan sii dhamaanaya ee maalmaha qura ay naga xigaan ayaa xildhibaanada golaha shacabka looga fadhiyaaa in ay soo gaba gabeeyaan ansixinta miisaaniyadda dowlada ee 2019 iyo ka doodista miisaaniyaddii hore waxaana xusid mudan in xubno horey uga mid ahaa gudigga Maaliyadda golaha shacabka ay si aad ah u dhaliilsanaayeen miisaaniyadda dowlada ee sanadkan sii dhamaaanaya ee 2018 maadama ay sheegeen in musuq uu hareeyay sida ay sheegeen.

 

COMMENTS
Latest News