Saxilnews.com
Xildhibaan Waabeeye Oo Soo Bandhigay Isbedelka Xukuumadda Ku Yimid Mudadii Isbahaysigu Ka Sii Maqnaa
May 30, 2017 - Written by suxufi
 Hargeysa (Saxilnews):- -Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo hadda ka tirsan xisbiga mucaaradka

ah ee Waddani, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo doorashada madaxtooyada ee soo socota

Xildhibaan Waabeeye oo ahaa guddoomiye-xigeenkii 2aad ee xisbiga KULMIYE, ka hor intii aanu ka bixin xisbigaas, wuxuu sharaxaad ku sameeyay isbedelada uu arko ee ku soo kordhay xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE mudadii ay isaga iyo saaxiibadiisii isbahaysigu ka sii maqnaayeen, waxaanu sheegay inuu mudadaas arkay kala qaybsanaan iyo is barbar yaac ka dhex jira xukuumadda, marka ay ka hadlayso arrimaha taagan.

Xildhibaanka oo uu waraysi la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu waraysigu ahaa sidan:

Xildhibaan, maxaad is odhan kartaa way u soo kordheen xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE, mudadii aad iska casisheen ka dib ee aad mucaaradka Waddani ku biirteen. Bal aragtidaada noo sharaxa waxa cusub ee aad xukuumadda iyo KULMIYE ka dhex aragtay mudadaas aad ka maqnayd?

Waxaan leeyahay umadda reer Somaliland Ramadaan kariim meelkasta oo aad joogtaan Alle bishaas bisheeda haynagu gaadhsiiyo khayar, bishan Ramadaantana hayna siiyo fadligeeda. Runtii wax badan ayaa ku soo kordhay xukuumada hadda iyo xisbiga talada dalka haya ee jooga oo dhamaantood muujinaaya kala daadsanaan iyo nidaam daro aan ku fiicnayn nidaamka dawladnimo, waxaanan xusi karaa oo ka mid ah haddii uu arin soo baxo oo ay xukuumadu doonayso inay qorshe ka yeelato waxaad arkaysaa si aan isla haysan masuuliyiin uga hadlaysa hadaan tilmaamo mashruucii dekeda Berbera ku saabsanaa waxaan xusi karaa markii ugu horaysayba inay si kala gadisan uga hadleen oo midi yidhi dekadeenii ayaanu ka kiraynay, oo midi yidhi waa ay maalgalinayaan. Waxa iyana xusid mudan oo aan dhagaysanaayay Afheyaanka madaxweynaha oo leh 19% saamiga dawlada Itoobiya ay heshay waxa uu ka go’ayaa saamigii DP World, waxa si ka gadisan uga hadlay wasiirka arrimaha dibada oo sheegay in 5% ay ka go’I doonto saamigii ay lahayd dawlada Somaliland, 14% ay ka go’idoonto saamigii DP World, saamiga Itoobiyana uu noqon doono sidaas. Waxay ku tusaysaa laba masuul oo dawladii ka tirsan oo labaduba si kala gadisan u hadlay oo midina afhayeenkii madaxweynaha yahay midna wasiirkii arimaha dibada, runtii waa arin khilaafsan nidaamka dawladnimo, waa arin khilaafsan sharciga iyo kala danbaynta, waa arin shaki galinaysa shacbigeena markay masuuliyiintii sidaas u kala hadlaan, runtiina waa wax laga xumaado. Waxa kale oo jira markii labada gole la keenay nuqulkii sida jujuubka ah loo mariyay waxaad arkaysay in wasiirada qaarkood ay ku doodayeen ama meeshaba ka akhriyayeen heshiis halka wasiirka arimaha dibadu uu sheegayay in aanay jirin wax heshiis ah oo ay kala saxeexdeen DP World iyo dawlada Somaliland

waxii golaha la keenayna aan la garanayan waxa uu ahaa, waana arin kale oo iyaduna sii kaabaysa arimahaas hore oo muujinaysa kala hadalka iyo isla haysasho la’aanta xukuumada. Runtii arimahaas oo kale waa kuwo fool xun oo hanaanka dawladnimo ceeb ku ah oo isla haysasho la’aan iyo shacbigu inuu dareen shaki uu ka muujiyo, waxyaalahaas oo dhana waxa ay ahaayeen qaar aanan arki jirin markii aanu ka tirsanaya xisbigaas iyo xukuumaddiisa.

Rajo intee leeg ayaad ka qabtaa in Xisbiga Waddani ee aad ka mid tahay uu talada dalka qabto oo doorashada madaxtooyada ku guulaysto?

Waxaan aaaminsanahay oo aan ka qabaa rajo aad iyo aad u fiican inuu xisbiga Waddani uu yimaado talada dalkan, sabaabta oo ah mudo todoba sano ah ayuu xisbiga Kulmiye hayay talada dalkan; dadkuna waxa uu u bislaaday oo uu diyaar u yahay isbedal, dunidu halka ay marayso waan ognahay oo isbadalo badan ayaa ka dhacay, dadkeena aqoonyahanka ah iyo dhalinyaradeenuba waa ay la socdeen, waxaanad ka garanysaa isbadalkaas sida ay u soo kordhayso cududa xisbiga Waddani sida ay dadku ugu diyaar yihiin isbadal, markaan soo koobo rajo aad iyo aad u fiican ayaan ka qabaa inuu maanta la wareego talada dalka xisbiga waddani.

Wasiirada qaarkood, ayaa si adag u weerara xisbiyada mucaaradka gaar ahaan Waddani. Ma kuu muuqataa inay wasiiradii iyo Waddani isku muruxsadeen?

Wasiiradas ka hadla ama u jawaaba xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, waxa haboonayd halka ay xisbiyada mucaaradka ah ugu jawaabi lahaayeen inay shaqada ay qaranka u hayeen ay hayaan oo ay ku kalsoonaadan oo qaranka u qabtaan, waxii nidaamka xisbiyada ee dhisan ay is odhanayaana ay eegaan, waxa jira qaar aan isku kalsoonayn oo marka ay ku arkaan warbaahinta isku shaandhayn ayaa jirta dabadeedna warbaahinta ku yaaca oo u jawaaba xisbiga Waddani oo kale oo hoggaankiisa caaya oo maaga oo hadalo aan loo meeldayin warbaahinta u adeegsada waana kalsoonidaro jirta, qaarna waxay ka tahay hab ay ku difaacanayaan kuraastooda oo marka ay sidaas u hadlaan waxa laga yaabaa in aanay isku shaandhayntaasi aanay saamayn idinku yeelan, waxaanan kula talin lahaa inay qabtaan shaqada ay qaranka u hayaan. Wasiirada isku kalsoon anigu waxaan shaqsiyan ka soo qaadan karaa Sacad Cali Shire oo kale oo had iyo jeer aad moodo inuu qaranka u hayo shaqadii loo igamaday kuna mashquulin oo aan ku dhex milmin difaaca iyo weerarka ay asxaabtu samaynayaan habdhaqankaas oo kale waa uu fiicnaan lahaa, wasiirada sida dhurwaa onkad kiciyay markay warbaahinta ku arkaan inay isku shaandhayn jirtana warbaahinta ku yaaca inay arintaas ka waantoobaan oo qaranka u shaqeeyaan.

Ka waran arrintan lacag ururinta ee lagu bedelay xuskii 18 May ee lacagaha loogu ururinayo dadkii ay abaaruhu saameeyeen. Sideed u aragtaa taakuladaas?

Waxaan leeyahay in dadkeena la taakuleeyaa way fiicantahay laakiin waxaan xukuumadda uga digayaa in aanay ka dhigan kaanbayn oo aanay u adeegsan dadka masaakiinta ah waxaas ay ka ururisay dadka oo aanay odhan waxa laydin siinayaa waxii aanu idiin haynay laakiin waa inaad sidaas iyo sidaas yeeshaan arintaasi waxay noqon doontaa mid cawaaqibkeeda leh oo aan wanaagsanayan, waxaana loo baahan yahay dadka waxii laga ururiyay in la xisaabiyo cid loo igmado dhexdhexaad ah oo aanay galin gacan aan aamin hayn, sidaan hore u soo sheegayna markay xukuumadu dhawr jeer kala hadashay waa laga shakiyayaa, waxaana laga yaabaa inay qaar kale yidhaahdaan lacagtaas la ururinayay waxa loogu talo galay abaarahaba may ahayn ee inaan dayn nalagu lahaa iskaga bixino, waa arin ay odhan karaan ileen horeba xukuumadani waa ay u kala hadashaye, markaas maxaa damaanad ah waxa loo baahan yahay lacagahaas laga ururiyaya dadka Somaliland,ganacsatada iyo dadka samafalayaasha ah waxa loo baahan yahay inay gasho gacan aamin ah iyo dad masuul ah oo lagala xisaabtami karo, dadkeenuna horeba waa uu ugu baahnaa taakulada, waxaanan qabaa Alle ka sokow waxay ku badbaadeen dadka abaaraysan gacanta dadka reer Somaliland laakiin ma qabo gacan buuran oo dawladeed oo dadkaas gaadhay inay jirto, qof walba dadkii ay ehelka ahaayeen ee wax lagu tuhmaayay ayaa la baxsaday markaas waxaan u arkaa doorka xukuumada ee abaaruhu in aanu ahayn mid shaqaynaayay, lacagtan ay hada dadkii isugu yeedhay ee ay ururinaysana waxa loo baahan yahay in si cadaalad ah oo wanaagsan loo maamulo dadkana aad loogu mano sheegan waxa la siinayo oo aan la odhan xisbi ugu ollalee.

Source:- Geeska

COMMENTS
Latest News