Saxilnews.com
Xildhibaan Rayte Oo Cadho Kaga Maqan Xisbiga Waddani Iyo Rogaal Celin La Hadal Hayo In Uu Dib Ugu Soo Laabanayo Xisbiga Kulmiye
September 13, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargaysa (Saxilnews) Xildhibaan Ibraahim Rayte ayaa la sheegayaa in uu cadho kaga maqan yahay xisbiga Waddani ka dib markii sida la sheegayo miiska shirarka ay xubnaha ka soo jeeda beesha Gudoomiye Cirro cay iyo af lagaado shirka kaga dhex hadaaqaan iyaga oo caayaya beesha Xildhibaan Rayte ka soo jeedo ee Bariga Burco
Xildhibaan Rayte ayaa la sheegay in laba jeer oo hore uu sidan oo kale uga baxay shirka Xisbiga Waddani qabsado waxaana la sheegay in marar badan shirka dhexdiisa ay isku gacan saareen xildhibaan Xoog oo ah ka ugu cayda badan balse markan Rayte ayaa la filayaa in uu go’aan adag qaatay ka dib markii uu diiday ergo badan oo u tagtay damacdayna in ay waan waan gasho
Rogaal celin ayaa laga filayaa in uu rayte ku sameeyo siyaasadiisa iyada oo la saadaalinaayo in uu dib ugu soo laabto xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye oo uu hore uga mid ahaa
Inta badan shirarka xisbiga Waddani ku qabsado xarunta dhexe ee xisbiga ayaa ah shirar lagu caayo laguna af lagaadeeyo beelaha aan ahayn kuwa gudoomiye cirro

COMMENTS
Latest News