Saxilnews.com
Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaaka Somaliland Oo Lagu Rasaaseyey Magaalada Berbera
May 6, 2015 - Written by admin

Berbera(Saxil News.com)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland, ayaa sheegay inuu shalay ka badbaaday rasaas lagula beegsaday magaalada Berbera, oo uu sheegay inuu ku riday nin loo gar naqayay oo ay arrin dhul ka dhaxaysay.

Xildhibaan Jaamac, oo isagoo jooga Berbera xalay u waramay Shabakada Saxil News wuxuu sheegay in ninkaas meel loogu garnaqayay uu ugula soo baxay baaskoolada oo uu rasaas kula beegsaday. “Ninka meel ayaa na loogu garnaqaayey hawl ayaana naga dhaxaysay oo meel xero xoolaad ah ayaanu joognay, dee sidii aanu u joognay ayuunba uu uu baaskoolad uu gaadhigiisii kala soo dhex baxay oo uu la soo cararay ka dibna waaba uu igu soo riday, runtiina waa uu I sigay oo Illaahay ayaan maanta tayda ka dhigin, ka dibna waa uu cararay oo waa uu baxsaday, imikana illaa hadana waa lagu daba jiraa raacadadiisii sidii loo soo qaban lahaa. Magaciisana waxaa la yidhaahda Cabdi Xasan.”. sidaas ayuu yidhi xildhibaanku.

Waxaa Intaa Xildhbaanku Raaciyey Inuu Rasaasta Ninkii Ku Riday Baxsaday Aan Ilaa Hadan La Hayn

 

COMMENTS
Latest News