Saxilnews.com
Xildhibaan Indho Indho Ayaa Beeniyey Inuu Xisbiga Wadani Ku Biiray ”
May 2, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) ayaa sheegay in aanu ku biirin Xisbiga Wadani, hasayeeshee Saddexda Xisbi ee Somaliland ka jiraa ay u siman yihiin, midkoodna aanu ku jirin.

Xildhibaan Indho-indho oo la soo xidhiidhay hadhwanaangnews ayaa bulshada u sheegay in kulanka uu maanta la yeeshay Masuuliyiinta xisbiga wadani uu ahaa marti qaad hadhimo sharafeed ah oo ay ku kulmeen, balse aanay jirin wax intaas dhaafsiisan.

Waxaana uu yidhi Waxa aan kuu soo garaacay in aan wax yar ka idhaahdo warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in aan ku biiray xisbiga Wadani.

Runtii anigu saddexda xisbi midnaba kuma jiro ee aniga ayaaba sidayda xisbi isaga ah, waxaana
saddexda xisbiba ii yihiin dhex.

Qadada maantuna kama duwanayn kuwii hore oo waan joogay, waxaanan u sheegayaa umada iyo shacabka Somaliland in aanan ka tirsanayn xisbiga wadani iyo mid kale toona ee dhex baan u ahay saddexdoodaba” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho.

Xigasho Himilo

 

COMMENTS
Latest News