Saxilnews.com
Xiisadii Mansabka Gudoomiye Cirro Ee Golaha Wakiilada Oo Bilaabmatay Iyo Magacyada Xildhibaanada Guclo Orodka Ugu Jira Hanashada Mansabka Gudoomiyaha Baarlamaanka Cirro Dabadii
April 17, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa(Saxilnews)Waxa maalmihii u danbeeyey soo ifbaxayey dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhex istaadhmay xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland kuna astaysan mansabka gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland oo uu dhawaan gudoomiyaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro sheegay inuu banaynayo.

Waxaana xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ay tartan midkastaaba dhinaciisa ugu jiraa sidii uu u kasban lahaa gudoomiyaha wakiilada,waxaana jira xildhibaano ay wadato xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE kuwaas oo ay doonayaan inay buuxiyaan mansabka uu baneeyo gudoomiye Cirro halka ay jiraan xildhibaano kale oo ay wataan xildhibaanada mucaaradka ahi oo la doonayaan inay galaan booska gudoomiye Cirro banaynayo.

Xogaha ayaa waxay sheegayaan in xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE ay dabada ka riixayaan laba xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada kuwaas oo ay ku badhitaarayaan sidii ay ugu ruqaasan lahaayeen mansabka gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ee uu banaynayo mudane Cabdiraxmaan Cirro,waxaana Labada xildhibaan ee xukuumaddu wadato isla markaana ay doonayso inuu midkood ku guulayso gudoomiyaha galaha wakiilada ayaa waxay kala yihiin Baashe Maxamed Faarax oo hadda ah gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha wakiilada Somaliland isla markaana ay xukuumaddu doonayso inuu ku ruqaansado gudoomiyaha iyo waliba Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf Koore kuwaas oo labadooduba kasoo jeeda gobolka Sool,waxaana ay xukuumaddu arrinkan u samaynaysaa sida la sheegay sidii ay usoo xero galin lahayd bulshada gobolka Sool oo tabashooyin  badan tirsanaya iyo waliba sidi ay gacanta ugu dhigi lahayeen ka muxaafad ahaan gudoomiyaha golaha wakiilada.

Sidoo kalena xildhibaanada mucaaradka ah ee ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa iyaguna waxa xoguhu tibaaxayaan inay wataan xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo isaga laftiisu kasoo jeeda gobolka Sool kaas oo ay doonayaan inuu buuxiyo mansabka gudoomiye Cirro dabadii.

Sidoo kalena waxa wararku intaa ku darayaan in booska gudoomiye ku xigeenka wakiilada isna loo wado Xildhibaan Axmed Yaasiin sheikh Cali Ayaanle halka gudoomiye ku xigeenka Saddexaadna loo wado Xildhibaan Siciid Cilmo Rooble.

Ilaa hadda lama garanayo halka uu sal dhigan doono dhaq-dhaqaaqan siyaasadaysan ee ka dhex qarxay golaha wakiilada isla markaan ay xildhibaanada qaar guclo orod ugu jiraan hanashada gudoomiyaha wakiilada Somaliland marka uu baneeyo Cabdiraxmaan Cirro oo ah murrashaxa madaxwaynaha xisbiga WADDANI kaas oo la filayo inuu ku dhawaaqo marka uu dalka kusoo laabto.

Xigasho:- RamaasNews

COMMENTS
Latest News