Kooban

  1. “Milaterigu wuxuu qaadi doonaa talaabo kasta oo lagama maarmaan ah”
  2. Rabshado ka dhacay Baabili
  3. Sawirro: ciidammada la wareegay Jigjiga
  4. Bangiyo lagu boobay Jigjiga
  5. Mucaaradka dowlad deegaanka oo ku baaqay nabad
  6. Addis Standard: Militariga Itoobiya oo ku hareereysan madaxwayne Cabdi M. Cumar
  7. Soomaaliland oo ka hadashay xiisadda ka taagan Jigjiga
  8. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Jigjiga
  9. Militariga Itoobiya oo hadlay
  10. Booliska rabshadaha ka hortaggo oo la geeyay waddooyinka Jijiga

Tebin toos ah

Dad badan oo ku dhintay rabshado wali ka soconaya Diri-dhabe

Diri-dhabe

Youtube

Diri-dhabe

Waxaa wali kacsan xaaladda magaalada Diri-dhabe kaddib rabshadihii saakay ka qarxay halkaasi.

Wararka naga soo gaaraya Diri-dhabe ayaa sheegaya in xaaladdu ay haatan cakiran tahay, kaddib markii dhowr guri oo ay deganaayeen dad Soomaali ah dab la qabadsiiyay.

Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in dad ku sugnaa guryahooda dab la qabadsiiyay halkaasina ay ku geeriyoodeen.

Gawaarida dab damiska iyo kooxaha gurmadka degdega oo gaaray xaafadaha dabka la qabadsiiyay ayaa ku howlan daminta dabkaasi.

Dadka deegaanku waxa ay sidoo kale sheegayaan in dhowr qof illaa iyo haatan la xaqiijiyay inay dhinteen.

Dadka deegaanka ayaa ka qaba cabsi sida ay xaaladdu noqoneyso saacadaha soo socdo, waxa ayna farta wadnaha kag hayaan sida ay ku dambayn doonto xaaladdu