Saxilnews.com
Xidhiidhka FIFA Oo Ciyaaraha Ka Mamnuucay Dalka Afrika Ku Yaalla
October 7, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Saxilnews.com)-War-saxaafadeed ka soo baxay FIFA ayaa lagu sheegay in xayiraaddu saarnaan doonto doonto illaa xidhiidhka kubaddu cagta dalkaasi uu ka xaqiijinayo inuu dib u helay madax-bannaanidiisa, xisaabaadkiisa iyo dhamaan maamulkiisa oo madax bannaan.

Haddii aan xayiraaddan la qaadin inta ka horreysa 11-ka bishan October, waxa halis gelaysa rajadii Sierre Leone ee kaqaybgalka Koobka Qaramada Afrika ee 2019 oo isreeb-reebka ay waddamadu soo ciyaarayaan toddobaadka dambe, iyadoo kulanka dalkaasina qorshaysnaa 15 October.Sierra Leone ayaa ku jirta group F oo ay ku wehelinayaan Ethiopa iyo Kenya.

 

COMMENTS
Latest News