Saxilnews.com
Xidhibaan iyo Dad danyar ah oo ka Hadlay Guryo saraakiil iyo Maatadii ay ka tageen ku jiraan oo aydawlada Hoose dad shacab ah ka Iibinayso.
April 11, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-Xidhibaan iyo Dad danyar ah oo ka Hadlay Guryo saraakiil iyo Maatadii ay ka tageen ku jiraan oo aydawlada Hoose dad shacab ah ka Iibinayso.

Xildhibaan C/kariin Maxamed C/laahi  oo ka mid ah Golaha Degaanka Degmada Burco ayaa Maanta shir jaraa,id oo uu ku qabtay  Magaalada Burco  ka hadlay Guryaha Booliska oo ku yaala Meel u dhaw saldhiga dhexe ee Magaalada Burco oo Beryihii ugu danbeeyay la hadalhayay in laga iibinayo dad ganacsato ah,Xildhibaanka ayaa sheegay in ay doonayaan Gudida Fulinta ee dawlada Hoose ay iskood u iibiyaan isla markaana dad shicib ah ka iibinayaan,Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sidoo kale ayaa carabka ku dhuftay in qaabkii guryahan loogu talo galay la marin habaabiyay,isla markaana dad shicinb ah laga iibinayo halkii ay ahayd in dawlada hoose dhisto.
sidoo kale Guryahaas oo ay ku jiraan saraakiil Boolis iyo Maato kale oo ay tageen Qaar Boolis ah ayaa waxaa ka hadlay dad Da, iyo Naafo ah oo Guryahaas ku sugnaa,
Xildhibaanka oo ugu horayn  arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi”waaa in sharciga la ilaaliyaa oo hadii ay yihiin badhasaabka iyo hadii ay yihiin taliyaha qaybta waa in mushtamaca la dhawro,in la dhibaabeeyaa meesha ma taalo hadii aanu danbiile ahayn,Madxwaynaha ayaa soo fasaxay laakiin waa ina markay raali noqdaan hadii la rarayo la raraa,Madaxwaynuhu wax uu yidhi dawlada hoose ha dhisto oo ha maamusho oo mool haka dhisto dabdeed dib halooga kireeyo mushtamacii iyadoo qiime jaban lagaga kiraynayo,sidaas bay ahayd,markaas shicib aan kuwii deganaa ahayn ayay gudoonsiisay,waana in sharciga dib loo eegaa oo kii deganaa ee joogay hadii la iibinayo in laga iibiyo.
Xildhibaanka ayaa waxakale oo uu ka hadlay Dhalinyaro xidhan waxaanu sheegay in khalad lagu xidhay,isagoo ku baaqay inaan dadka Doonistoodii lagu xidhin.
waxaa iyana halkaas ka hadlay dad curayaamiin iyo da, ah oo guryaahs ku sugnaa”
Siciid Cumar Rooble ayaan ahay ”waxaa ka Xumahay maatada la boobayo,Guryaas Bilayska waxaa la dhisay 1975 waxaan ahay Shan iyo Todobaatan jir maanta waxaa soo baxay rag daalimiin ah oo maal qabeen ah oodamcay dhulkaas Maatada Bilaysku ku noolyihiin inay iibsadaan oo guryo dhaadheer ka dhistaan,waxaan filayaa sida iminka loo wada Burco inay ku danbayndoonto meel lama degaan ah,nin kasta oo fooq ka dhista iyo nin lacag badan sababtoo ah dagaalkii Hore dhulka baabiiyay waxa uu ka kacay maato lagu tuntay Hunguri wayne Dhul Boob,maanta waxaan u sheegaynaa Madaxwaynaha Somaliland Tuugta ka Hoos shaqaysanaysa eedamacday isaga iyo shicibka inay iska Hor keenaan inuu wax ka qabto,Madaxwayne hadii aanad adigu iibinayn waa inaad ka qabataa xaq baad u leedahaye,Maayarka Burco waa la taabayaa inuu yahay raga Guryaha iibinaya ee madaxwayne ka qabo,Guryaha Bilayska hala nabadgeliyo.
Aamina Ibraahin Maxamed oo ahayd islaan Da,ah oo Guryaas ku jirtay ayaa Tidhi”laba Agoomood oo isa saaran baanu nahay iyo dadkale oo naafo iyo waayeelba leh,Waxaan leeyahay Hoos hanaloo eego,halkaasaanu ka xamaalanaa dadka qaska nagu haya Guryahaas aanu kabkabnay noogu soo hanjabaya.
Hanalaga qabto ayaan leenahay”sidaas waxaa tidhi islaan Curyaan ah oo uusarkaal Boolis ahi ka dhintay oo guryaah ku jiray.

COMMENTS
Latest News