Saxilnews.com
Xiddigaha Man United Oo Maamulka Kooxdooda Ku War Galiyay Go,aan Ka Dhan Ah Paul Pogba & Real Madrid Oo Sabab U Ah
June 18, 2019 - Written by editor

Xiddiga Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isla qaateen go,aan ka dhan ah xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba kadib markii uu si cad u qirtay in uu doonayo in uu isaga tago Man United xagaagan.

Hadalii uu Paul Pogba ku qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United ayaa ka xanaajiyay xiddigaha kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigaha Man United ayaa maamulka Man United u sheegay in ay doonayaan in la iska iibiyo xiddiga khadka dhexe ee paul Pogba xagaagan kadib markii uu qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ee Man United ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Real Madrid xagaagan xillli uu xitaa qirtay in uu jecelyahay in uu ku biiro kooxda Man United.

Tababare Zinedine Zidane ayaa doonaya in uu helo saxiixa xiddiga reer France si uu ugu xoojiyo kooxdiisa khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Paul Pogba ayaa qaab ciyaareed xun soo bandhigayy xilli ciyaareedkii hore ka hor inta uuna Axadii qiran in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United xagaagan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in hadalkaas uu ka xanaajiyay xiddigaha Man United kuwaas oo dalbaday in la iska iibiyo xiddiga xagaagan.

Ma jirto xiddigo la magacaabay laakiin xiddigaha Man United ayaa maamulka kooxdooda u sheegay in ay doonayaan in Paul Pogba laga diro kooxda xagaagan

COMMENTS
Latest News