Saxilnews.com
Xiddig Diirada U Saaran Man United Oo Ka Hadlay Xiisaha Red Devils, Halkan Ayaan Rabaa Ayuu Taagan Yahay.
June 17, 2019 - Written by editor

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda West Ham iyo xulka qaranka France ee Issa Diop ayaa u jawaabay kooxda Man United kadib markii ay Red Devils dalab lacag iyo xiddig ah miiska u saartay kooxdiisa West Ham si ay u helaan adeegiisa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Issa Diop ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kooxda West Ham laakiin qirtay in uu jeclaan lahaa in uu ka ciyaaro tartanka champions League.

Kooxda Man United ayaa xiiso u muujisay daafaca Issa Diop iyaga oo dalab Rasmi ah oo dhan 45 milyan oo euro iyo waliba xiddig aan la magacaabin miiska u saartay West Ham.

Ilo wareedyo ku dhaw Sky Sports ayaa sheegaya in Issa Diop ay sidoo kale si dhaw ula socdaan kooxaha Barcelona iyo PSG kuwaas oo sidoo kale doonaya adeegiisa.

Laakiin West Ham ayaa diidan in ay iska iibiso Issa Diop iyaga oo ku adkaynsanaya in uuna xiddigu iib ahayn xitaa hadii ay helaan dalab lacageed oo dhan 60 Milyan oo euro.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa kooxda West Ham ku soo biiray xagaagii hore isaga oo 22 milyan oo euro kaga soo biiray kooxda reer France ee Toulouse

COMMENTS
Latest News